War-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha Xajka iyo Cumrada Boqortooyada Sacuudi

xarmka

 War-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha Xajka iyo Cumrada Boqortooyada Sacuudi 


War-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha Xajka iyo Cumrada Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa loogu digay shirkadaha ku shaqeysta hanaanka been abuurka dal ku galka, kuwaasi oo baraha bulshada ku xayeysiiya adeegyadooda been abuurka ah.

“Dadka Muslimiinta ee sanadkan 1445/2024 doonaya inay xajiyaan


“Dadka Muslimiinta ee sanadkan 1445/2024 doonaya inay xajiyaan waa inay adeegyadooda ay u doontaan xafiisyada rasmiga ah ee la siiyay ogalaasha bixinta Xajka,” ayaa lagu yiri bayaanka wasaaradda.Xafiisyadan ayaa ah cidda keli ah ee xaqa u leh bixinta adeegyo sax ah, sida ay sheegtay wasaaradda, iyada oo uga digtay inay ku dhacaan kuwa dadka dhaca ee bixinaya adeegyo sax aanan aheyn.

Shirkadaha been abuurka ah ayey sheegtay inay ku shaqeystaan


Shirkadaha been abuurka ah ayey sheegtay inay ku shaqeystaan baraha bulshada, iyaga oo dadka la wadaagaya macluumaad been abuur ah, islamarkaana sheeganaya inay ogalaasha rasmi ah ka heystaan wasaaradda Xajka iyo Cumrada ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya, taasi oo ah mid aanan waxba ka jirin.Sidoo kale wasaaradda ayaa ku boggaadisay dadaalka ay hay’adda sare ee arrimaha Xajka iyo Cumrada dalka Ciraaq kaga hortagtay qaar kamid ah shirkadaha been abuurka ku shaqeysta.

Post a Comment

0 Comments