Shirkan oo lagu soo bandhigayey sidii looga faa’iideysan
Shirkan oo lagu soo bandhigayey sidii looga faa’iideysan lahaa fursadaha maalgashi ee ka jira Soomaaliya, iyada oo laga faa’iideysanayo fursadaha jira ee ay kamid tahay deyntii oo laga cafiyey Soomaaliya iyo ku biirista suuqa ganacsiga Bariga Afrika.
Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa sheegay in Soomaaliya
Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa sheegay in Soomaaliya ay tahay waddan qani ah oo leh kheyraad kala duwan, sidaas darteedna ay xukuumaddiisu dadaal ugu jirto soo jiidashada iyo dhiiri-gelinta maalgashiyo caalami ah oo dalka u horseeda isku filnaansho dhaqaale iyo shaqo abuur.
Sidoo kale waxa uu ku dhiiri-geliyey maalgashiyada
Sidoo kale waxa uu ku dhiiri-geliyey maalgashiyada gudaha iyo dibedda in ay ka faa’iideystaan fursadaha badan ee ka bannaan maalgashiga dalka.Waxa uu si gaar ah u xusay in fursadaha jira ay sii dhiiri-gelinayaan amniga oo soo hagaagaya iyo shuruucdii maalgashiga hagaysay oo la dhammeystiray, tallaabooyinkaas oo damaanad siinaya maalgashadeyaasha caalamiga ah.
0 Comments