Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta oo Axad ah xafiiskiisa ku qaabilay
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta oo Axad ah xafiiskiisa ku qaabilay Wasiiru dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Britain, James Stephen Hebbey, oo Sabtidii booqasho rasmi ah ku yimid Muqdisho.
Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay xaaladda amni ee dalka Soomaaliya, guulaha ay gaareen ciidamada
Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay xaaladda amni ee dalka Soomaaliya, guulaha ay gaareen ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, iyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada, waxaana uu Madaxweyne Maxamuud tilmaamay cunaqabateynta hubka ee dhawaan
qaaday Soomaaliya, taasoo uu sheegay in ay muujineyso horumarka
qaaday Soomaaliya, taasoo uu sheegay in ay muujineyso horumarka uu dalka ku tallaabsaday. xasiloonida.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in dowladda Ingiriiska ay ka taageerto dhanka tababarada iyo qalabeynta ciidamada Soomaaliya, kuwaasi oo u diyaar garoobaya in ay si buuxda ula wareegaan mas’uuliyadda amniga dalka, kadib bixitaanka ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya.
0 Comments