Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa shalay gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta KMG

xamze barre

 

Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa shalay gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta KMG 


Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa shalay gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee maamulka Jubbaland.Xamza ayaa hal sano iyo bar kahor ka soo tagay magaalada Kismaayo, isaga oo Axmed Madoobe kasoo qaatay Xildhibaan u muuqday abaalmarinta kaalintiisi fududeynta dib usoo doorashadii Axmed Madoobe.


Xamza Cabdi Barre ayaa ahaa guddoomiyihii guddiga doorashada

Xamza Cabdi Barre ayaa ahaa guddoomiyihii guddiga doorashada ee maamulka Jubbaland 2019-kii, markaas oo la qabtay doorasho aan nooceeda hore loogu arag labada heer dowladeed ee Soomaaliya, iyada oo la xasuusto in guddigii doorashada uu qabaa’ilka ku yiri kursi walba 3 qof u keensada kadibna qofkii uu Axmed Madoobe qaato ayaa Xildhibaan idin ah.


Inkasta oo qof walba diiwaankiisa meel ku sugayo maalinteeda,

Inkasta oo qof walba diiwaankiisa meel ku sugayo maalinteeda, haddana booqashada Xamza ee maanta ee magaalada Kismaayo ayaa wadan wax su’aallo siyaasadeed ah oo ka imaanaya reer Jubbaland.Markii Xamza laga dhigay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, dad badan oo reer Jubbaland ah ayaa ku kala qeybsamay sida uu kaalin uga qaadan doono xal siyaasadeedka gobolkaasi kala taagna dhowrka sano.

Post a Comment

0 Comments