DAWALADA FADARAALKA OO SHAACISAY XILIGA DOOROSHO QOF IYO COD LA AADAYO
Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa shaaciyey waqtiga ugu horeeya ee la qorsheeyey in dadka reer Muqdisho ay soo doortaan maamulkooda.
Wasiir Fiqi ayaa sheegay in 30-ka bisha Juun ee 2024 ay dowladda Soomaaliya u qorsheysan tahay in dadka ku nool degmo kasta oo Muqdisho ka tirsan ay soo doortaan guddoomiyahooda.
“Gobolka Banaadir doorasho ha u diyaar garoobo
“Gobolka Banaadir doorasho ha u diyaar garoobo, 30-ka bisha Juun ee sanadka soo socda waxaa la qaban doonaa doorashada degmooyinka Muqdisho,” ayuu yiri wasiir Fiqi.Wuxuu sheegay in Muqdisho ay u baahan tahay in sida lagu maamulo lagu bedelo oo la helay masuuliyiin dadka ka dhex timaada, si loo helo kalsoonida bulshada ugu badan dadka oo Muqdisho ku nool.
Muqdisho maadaama ay ugu dad badan tahay dalka
Muqdisho maadaama ay ugu dad badan tahay dalka waxaa la qorsheeyey in barnaamijka is doorashada lagu bilaabo, sidoo kale degmooyinka K/Galbeed ayuu ka socdaa qorshahaan doorashada degmooyinka, waxaana la gaarsii doonaa dalka dhan,” ayuu yiri wasiir Fiqi.Muranka dhulalka iyo wax kasta oo khilaafaad ah ayuu Fiqi sheegay in laga gudbi doono, markii dadku ay soo doortaan masuulka ay ugu kalsoonida badanyihiin.
0 Comments