Laamaha Amniga ee Dowladda Federaalka ayaa wada baaritaano lagu sameynayo Sufyaan Sheekh Axmed (Taakeeye) iyo xiriirka kala dhaxeeya maleeshiyada Al-Shabaab. Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) ayaa gelinkii dambe ee Talaadadii shaacisay in ninkani laga soo dejiyay magaalada Muqdisho, kadib sanadihii ugu dambeeyay oo uu ku noolaa magaalada Nairobi ee dalkaasi Kenya.
Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka ee NISA ayaa gacanta ku soo dhigtay Sufyaan Sheekh Axmed (Taakeeye) oo waayihii dambe faafinayay afkaaro xagjirnimo ah oo liddi ku ah nabadda, xasilloonida iyo Dowladnimada Somaliya, sidoo kalena taageerayay Khawaarijta,” Ayaa lagu yiri war ay soo saartay Hay’adda NISA.
Warka ayaa lagu sheegay in hay’addu ay ninkaasi ku billowday baaritaano iyo wareysiyo la xiriira cilaaqaadka kala dhaxeeya Al-Shabaab, shabakadaha kale ee ku xiran iyo shakhsiyaadka la wadaagga fekerka khalafsan ee Shabaabnimada.
NISA oo dib u daalacatay wareysiyo uu dhawaan ninkaasi bixiyay ayaa garowsatay in uu carqalad ku yahay amniga iyo xasilloonida dalka, waana tan keentay in laga soo qabto dalkaasi, iyadoona xukuumadda Nairobi ay fududeysay xariggiisa.
Sufyaan Sheekh Axmed ayaa wareysiyadaasi ku muujiyay, sida uu u taageersan dagaalka ay Shabaabku ka wadaan dalka, bacdamaa sida uu sheegay ay doonayaan in Shareecada Islaamka ku xukumaan Somaliya.
Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Agaasimaha Hay’adda NISA Mahad Maxamed Salaad uu bixiyay amarka lagu soo xiray Sufyaan Taakeeye, kadib markii uu la tashi kala sameeyay Madaxweynaha Dowladda Federaalka, Xasan Sheekh Maxamuud iyo kan Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor). Taakeeye ayaa waxay ehel yihiin madaxweyne Qoorqoor.
0 Comments