Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Doosmareeb ee xarunta KMG ah ee maamulka Galmudug kula kulmay siyaasiyiin ka soo jeeda Koonfur Galbeed. Siyaasiyiintan oo ay ka mid yihiin Gudoomiyayaal hore ee Baarlamaanka ayaa gaaray Degmada
Doosmareeb, si ay u muujiyaan taageerada ay u hayaan dadaalada uu Madaxweynaha Soomaaliya ugu jiro la dagaalanka Al-Shabaab, isla markaana ay ka wadahadlaan xaaladda siyaasadeed ee dalka guud ahaan, gaar ahaana Maamulka Koonfur Galbeed.
Siyaasiyiinta dalbanaya doorashada Koonfur Galbeed, ayaa xaqiijiyay inay ka go’an tahay inay qaataan doorkooda ku aadan sidii dalka looga xoreyn lahaa Xarakada Al-Shabaab, gaar ahaan deegaanada Koonfur Galbeed. Madaxweynaha ayaa dhankiisa ka codsaday siyaasiyiintii uu la kulmay in ay ka go’an tahay midnimo, wada tashi iyo tanaasul si loo xaliyo khilaafaadka si loo gaaro Soomaaliya oo ka xor ah argagixisada. Siyaasiyiintan ayaa qeyb ka ahaa heshiis ay wada gaareen iyaga iyo Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed, C/casiis Leftagrin, bishii hore ee February, heshiiskaas oo ay garwadeen ka ahaayeen Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh
Aadan Madoobe, si xal looga gaaro xiisad siyaasadeed Maamulka Koonfur Galbeed ayaa ka jiray, waxayna ku heshiiyeen in muddo hal sano ah loogu kordhiyo Maamulka Leftagriin, hase ahaatee, iyadoo xilligan uu sii dhamaanayo, waxay dalbanayaan in la fuliyo waxyaabihii lagu heshiiyey, lana qabto doorashooyinka Baarlamaanka iyo Madaxweynaha gobol.
0 Comments