Soomaaliya iyo Sacuudiga ayaa ka wada hadlaya sidii ay isaga kaashan lahaayeen xasilinta deegaanada laga saaray Al-Shabaab

Soomaaliya iyo sucuudiga


Wasiirka  Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macalin Faqi , ayaa magaalada Muqdisho kula kulmay Safiirka Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Mudane Axmed Bin Maxamed Al-Muwalad.


Kulanka dhexmaray Wasiirka iyo Safiirka ayaa looga hadlay sidii Soomaaliya iyo Sacuudiga ay isaga kaashan lahaayeen xasiloonida deegaanada laga saaray Al-Shabaab.


Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Macalin Faqi ayaa uga mahad celiyay Boqortooyada Sacuudiga taageerada ay Soomaaliya ka siiso dhanka dhismaha Qaranka.


Dhankiisa Safiirka Boqortooyada Sacuudi Carabiya u fadhiya magaalada Muqdisho ayaa uga mahadceliyey Wasiirka Arrimaha Gudaha Federaalka booqashada uu ku yimid xarunta safaaradda ee magaalada Muqdisho.

Post a Comment

0 Comments