Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdul Qaadir Maxamed Nuur oo booqasho ku jooga Boqortooyada Hashemite ee dalka Urdun ayaa kulan la qaatay Taliyaha guud ee Ciidanka Xoogga Dalka Sarreeye Gaas Yuusuf Axmed Al-Hunaiti.
Intii uu socday kulanka, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Urdun, waxaa looga hadlay mustaqbalka iskaashiga milateri ee u dhexeeya labada ciidan ee walaalaha ah, marka laga soo tago xaaladihii ugu dambeeyay ee gobolka iyo caalamka, iyadoo loo eegayo danta ciidamada qalabka sida ee laba wadan ee soomaaliya iyo Jordan.
Saraakiil badan oo ka tirsan ciidamada xoogga dalka Jordan ayaa ka qeyb galay kulanka, marka laga soo tago wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya, Nuur iyo guddoomiyaha guud ee ciidamada xoogga dalka Sarreeye Gaas Hunaiti.
0 Comments