Sadio Mane Oo Ku Biiray Horyaalka Sucuudiga.

 

Sadio Mane

Xiddigii hore ee kooxda Liverpool Sadio Mane ayaa ku biiray kooxda Al-Nassr  ee ka ciyaarta horyaalka sucuudiga.


Saxafiga Fabrizio Romano ayaa xaqiijiyay in ay kooxaha Al-Nassr iyo Bayern Munich si buuxda uga heshiiyeen saxiixa xiddiga.


Mane oo horay heshiiska shaqsiga ah ula gaadhay Al-Nassr ayaa noqon doona xiddigii ugu dambeeyay ee magac ku leh yurub ee ka daga horyaalka sucuudiga.


Xiddiga reer Senegal ayaa Al-Nassr kula midoobo doona xiddiga Cristiano Ronaldo oo ay iska garab ciyaari doonaan xilli ciyaareedka cusub.


Mane ayaa haatan isku diyaarinaya in uu tijaabada caafimaadka u maro kooxdisa si loogu dhawaaqo heshiiska xiddiga.


Post a Comment

0 Comments