Kyle Walker Oo Ogolaaday In Uu Ku Biiro Koox Weyn Oo Reer Yurub Ah.

Walker


Kyle Walker ayaa heshiis shaqsi ah la gaaray Bayern Munich sida ay sheegayaan wararku.


Man City  ayaa daafaca midig u soo bandhigay heshiis 2 sano ah oo uu ku sii joogayo kooxda.


Laakiin Walker ayaa u furan inuu baxo ka dib markii uu saddexley kula guulaystay kooxda xilli ciyaareedkii hore.


Xiddiga ayaa ku biiri kara kooxda Bayern Munich kadib markii uu hesiis shaqsi ah la gaadhay kooxda reer Germany oo heshiis 2 sano ah u soo bandhigtay xiddiga.


Tallaabada xigta ayaa haatan ah in ay Bayern Munich saxiixa xiddiga kala heshiiso kooxda Man City.


Walker ayaa doonaya in uu Tartan cusub ka ciyaaro xilli ciyaareedka dambe kadib markii uu wax walba kula guulaystay kooxda Man City sanadihii uu joogay.

Post a Comment

0 Comments