Gabagabadii shirkii wadatashiga madaxda Soomaalida ee hadda jira iyo madaxdii hore ee dalka

shirkii golaha wadatashiga qaran


Waxaa magaalada Muqdisho lagu soo gaba gabeeyay shir wadatashi ah oo uu shir  guddoominayay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, kaasi oo looga hadlayay xaaladda dalka.


Shirkan oo socon doona muddo labo maalmood ah ayaa waxaa ka soo qeyb galay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xamse Cabdi Barre, Guddoomiyeyaasha Baarlamaannada Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare, Guddoomiyeyaashii hore ee Baarlamaanka, Madaxweynayaal hore iyo Ra’iisal Wasaareyaal iyo siyaasiyiin kale oo caan ah.


Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegtay in ka qeybgalayaashu ay ka doodeen lix qodob oo kala ah Hannaanka Doorashada, Hanaanka Madaxweynaha, Hanaanka Xisbiyada badan, Guddiga Doorashooyinka Qaranka, Mideynta Shuruudaha Hay’adaha Federaalka iyo kuwa Maamul Goboleedyada, iyo hannaanka dhameystirka dib u eegista Dastuurka. .


Madaxtooyadu ma aysan shaacin wax heshiis ah oo laga gaaray qodobadii laga wada hadlay, balse Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa shirka ku tilmaamay mid horumar leh.


Natiijadii ka soo baxday shirkii golaha wadatashiga qaran ee Muqdisho lagu qabtay bishii May ee la soo dhaafay ayaa muran badan ka dhaliyay dhinacyada siyaasadda Soomaaliya.


Shirka wadatashiga ah ee ay isugu yimaadeen madaxda dowladda federaalka iyo mas’uuliyiintii hore ayaa ahaa mid ay dowladda Soomaaliya ku dooneysay in ay ku qanciso dhinacyada siyaasadda isku haya in ay aqbalaan natiijadan, inkastoo aysan muujin horumarro laga gaaray arrintan inkastoo shirka Muqdisho lagu soo gaba gabeeyay.

Post a Comment

0 Comments