Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda Sheekh Shakhbuut bin Nahyan bin Mubarak Al Nahyan ayaa shir guddoomiyay shirka Golaha Ammaanka ee looga hadlayo xaaladda Soomaaliya, isagoo ka codsaday beesha caalamka inay sare u qaaddo heerka jawaab celinta. xaaladda bini'aadantinimo iyo isbedelka cimilada ee Soomaaliya.
Kulankaan oo ahaa mid si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa lagu qabtay dalka Imaaraadka Carabta bishii June ee sanadkan, iyadoo uu goob joog ka ahaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.
Waxa uu ku booriyay wasiirku in uu gacan ka geysto sidii wax looga qaban lahaa xaaladaha ay ku sugan yihiin dadka walaalaha ah ee Soomaaliyeed ee ay abaaruhu saameeyeen, taasi oo sababeysa barakaca qoysaskii ay ku soo barakaceen si ay u helaan meel ay gabaad ka dhigtaan, isagoo yiri: “Wax ka qabashada dhibaatooyinka bini’aadantinimo iyo kuwa cimiladu waxay u baahan tahay isku xirnaan, ballaarinta gargaarka." Sidoo kale, wasiirku wuxuu carabka ku dhuftay sida ay uga go’an tahay Imaaraadka inay Soomaaliya ka taageeraan dhinacyadan, iyagoo bixinaya gargaar dhan $194.6 milyan intii u dhaxaysay 2018 ilaa 2023.
Dhinaca kale, Wasiirku wuxuu carabka ku adkeeyay in falalka argagixisanimo, gaar ahaan kuwa ay Al-Shabaab soo abaabulaan ay ka dhigan yihiin caqabada ugu adag ee aan lagu gaari karin himilooyinka siyaasadeed, bulsho iyo dhaqaale ee Soomaaliya, wuxuuna yiri: “Saddexdii bilood ee hore ee sanadkan, tirada shilalka la xidhiidha argagixisanimada ayaa kor u dhaafay shilalka hore iyo kuwa la diiwaan galiyay tan iyo 2016-kii. wasiirka ayaa intaa ku daray “ Imaaraadku wuxuu aad uga walaacsan yahay sii kordhaya weerarada ay Al-Shabaab ku beegsanayaan dadka rayidka ah iyo ciidamada ammaanka, oo ay ku jiraan kuwa lagu bartilmaameedsanayo shaqaalaha iyo xarumaha ciidamada Midowga Afrika ee ku sugan Soomaaliya.
Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda ayaa carabka ku dhuftay sida ay Imaaraadka Carabta uga go’an tahay taageeridda hiigsiga qaran ee Soomaaliya, isagoo carabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in diiradda la saaro dib u heshiisiinta, dib u habeynta hanaanka doorashada, iyo xoojinta wada shaqeynta dowladda Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada dalka iyadoo loo marayo Golaha Wadatashiga Qaran. Sidoo kale, wasiirku wuxuu bogaadiyay dadaallada ay dowladdu ku doonayso inay heshiis iyo wada-hadal ku gaarto, taasoo qayb ka ah dadaallada lagu dhisayo waddan ka soo baxa rabitaanka shacabka.
0 Comments