Manchester United ayaa xajisan kari weyday guul ay waqti hore gacanta u geliyeen Jadon Sancho iyo Marcus Rashford, waxaanay ogolaatay inay dhibcaha qaybsadaan Tottenham oo waqti dambe kaga dab timid hoygeeda oo ay ku kala baxeen 2-2.
Red Devils ayay ciishay difaac-xumo iyaga oo tebay Lisandro Martinez iyo Raphael Varane, waxaana goolal fududu oo qaybtii labaad ah ku dilay Porro iyo Son.
Gool degdeg ah ayay Manchester United la timid daqiiqaddii toddobad ee ciyaarta, waxaana hoggaanka u dhiibay Jadon Sancho oo kubbad uu ka toogtay xerada ganaaxa oo dhinaca bidix ka hoos bixiyey goolhaye Forster, halka Mrcus Rashford uu u saxeexay goolka labaad ka hor intii aan loo bixin waqtiga nasashada.
United oo dhibco ahaan la sinmaysay Newcastle United oo kaalinta saddexaad ee horyaalka Premier League ay isku haystaan ayaa iska khasaarisay fursado badan oo kale, waxaana gool caddaan ah lumiyey Bruno Fernandes oo birta garaacay.
Kooxda martda loo ahaa ee Tottenham ayaa ciyaarta kusoo laabatay daqiiqaddii 54aad, waxaana gool qurux badan u dhaliyey difaaca reer Spain ee Pedro Porro oo xerada ganaaxa dhaxdeeda ka helay kubbad ay difaaca Manchester United iska saari kari waayeen.
Aaron Wan-Bissaka ayaa madax ku saaray kubbad halis ahayd oo goolka hortiisa madaxa loo saaray Ivan Perisic oo uu waxyar ka hor kacay, taas oo haddii ay gaadhi lahayd xiddiga reer Croatia halis badan ku noqon lahayd Manchester United.
Heun-min Son iyo Harry Kane ayaa lumiyey fursado ay ciyaarta oo waqti hore maraysa ay barbarro ku keeni lahaayeen, ka hor intii aanay birtu soo celinin kubbad uu Bruno Fernandes goolhayaha ula tegay oo uu weydaariyey goolhaye Forster.
Tottenham ayaa u dabbaal-degtay goolka barbarraha dhamaadka ciyaarta oo ay 11 daqiiqadood ka hadhsan yihiin, waxaana uu si fiican u dhamaystiray kubbad uu Harry Kane kasoo qaaday dhinaca midig oo uu u hordhigay difaacyahannada United.
Ciyaarta ayaa kusoo dhamaatay 2-2 ay labada kooxood ku wadaageen dhibcaha, waxaanay natiijadani ka dhigan tahay in Manchester United ay ku jirto kaalinta afraad oo ay ku haysato 60 dhibcood, halka Tottenham ay kusoo laabatay oo ay 54 dhibcood leedahay, waxaanay farqiga goolasha kaga horreysaa Aston Villa oo ay isku dhibco yihiin.
0 Comments