Manchester United ayaa lagu soo waramayaa in ay u baahantahay in ay bixiso lacag dhan 100 milyan oo euro hadii ay doonayso saxiixa xiddiga Harry Kane.
Iyadoo Red Devils ay dooneyso inay lasoo saxiixato weeraryahan heersare ah ka hor xilli ciyaareedka 2023-24, Kane ayaa ah bartilmaameedyada United doonayso.
Xiddiga reer England ayaa galay 18-kii bilood ee ugu dambeeyay heshiiskiisa Tottenham waxana la filayaa in uu isaga tago kooxda dhamaadka xilli ciyaareedkan.
Kane, oo aan weli ku guuleysan koob weyn oo xirfadiisa ciyaareed ayaa si weyn loola xidhiidhinayaa kooxo ay ka mid yihiin Bayern Munich iyo Man United.
Sida laga soo xigtay The Times, Man United ayaa aaminsan in Tottenham 100 milyan ku iibiso xiddiga oo ay u argto midka ugu muhiimsan kooxdeeda.
0 Comments