Tababaraha Kooxda Man City ee Pep Guardiola ayaa sheegay in ay Arsenal todobaadkan ku guulaysan doonto premier League.
Guardiola ayaa sheegay in hadii kooxdiisu guuldaro kala kulanto Southampton kulanka sabtida ay Arsenal ku guulaysan doonto horyaalka premier League.
Kooxda Man City ayaa 8 dhibcood ka dambaysa kooxda Arsenal iyaga oo hal kulan oo baaqi ah haysta tartanka horyaalka premier League.
“Southampton dhawrkii kulan ee ugu dambeeyay waxa ay ku ciyaareen tababare cusub waxana ay u muuqataa in ay haystaan falsafad cusub waana in aan diyaar u noqono”.
Waxa uu intaa ku daray “Southampton waligeedba halkaas (Garoonkooda) aad ayay ugu adkaan jirtay, ciyaartii aanu 100-ka dhibcood ku gaadhnay aad ayay nooga fiicnaayeen, hore ayaanu barbardhac ugu galnay, way adag tahay, waxaanan dareemaya in berrito aanay noqon doonin mid ka duwan sidii hore”.
Isagoo ku saabsan tartanka horyaalka, wuxuu yiri, “Haddii aan dhibco lumino, markaas Arsenal way ku guulaysan doontaa horyaalka, hadii aan badino waanu badinay wax dhibaato ahna ma ahan”.
0 Comments