Safiirka cusub ee dowladda Imaaraadka Carabta u fadhin doona Soomaaliya ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho

 

Safiirka Imaaraadka

Safiirka cusub ee dowladda Imaaraadka Carabta ay u soo magacawday Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Juma Al Rumaithi, ayaa maanta oo Arbaco ah soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.


Waxaa Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyay Agaasimaha Waaxda Habmaamuuska ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Xirsi Xaaji Alsu, ahna Xubin ka tirsan Safaaradda  Imaaraadka Carabta.


Waxaa xusid mudan in xiriirka laba geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Imaaraatka Carabta uu yahay mid horumarsan oo soo hagaagaya dhinacyo kala duwan oo danta guud ah, gaar ahaan tan iyo markii Dr. Xasan Sheekh  Maxamuud loo doortay Madaxweynaha Soomaaliya May 15, 2022, waana markii ugu horeysay socdaalka dibadda ee Imaaraadka.

Post a Comment

0 Comments