Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Cadale Ka Dhagax Dhigay Garoonka Diyaaradeed


Madaxwayne Xasan

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan  Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa dhagax dhigay dhismaha garoonka diyaaradaha ee degmada Cadale oo si casri ah loo dhisi doono.


Garoonkaan diyaaradeed oo dhowaan dhismihiisu uu bilaaban doono ayaa wax badan kusoo kordhin doona harumarka deegaanka iyo isu socodka bulshada deegaannada  Gobolka Shabeellaha Dhexe ee Maamulka Hirshabeelle.


Madaxweyne Cali Guudlaawe oo la hadlay warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in Maamulkiisa iyo bulshada Gobolka ay farxad u tahay dhagax dhiga Garoonka diyaaradeed ee la doonayo in laga dhiso degmada Cadale.


Wuxuu sheegay Guudlaawe in deegaanada Maamulka ay ka socdaan mashaariic kale oo horumar ah, isagoona intaas kusii daray in howlo ka socda Garoonka diyaaradaha magaalada Baladweyne ay iyaguna marayaan meel gaba-gabo ah.


Madaxweyne xasan sidoo kale waxa uu booqday deegaano ka tirsan gobolka Sh/dhexe si loo dardargeliyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo sidii dib u heshiisiin loo dhex dhigi lahaa maleeshiyo beeleedkii ku dagaalamay deegaano ka tirsan magaalada cadale.


Madaxweyne xasan sheekh waxa xusay muhiimadda ay leedahay horumarinta nabadda, horumarinta gobolka iyo dib u heshiisiinta bulshada, wuxuuna carrabka ku adkeeyey in dowladdiisa aysan aqbali doonin jidgooyooyinka sharci darrada ah iyo dhibaateynta muwaadiniinta safarka ah.

Post a Comment

0 Comments