Maalintii Khamiista, Soomaaliya ayaa gudbisay codsi rasmi ah oo ay kaga mid noqoneyso bulshada Bariga Afrika, taasoo ka dhigan in dalka Afrika uu soo galo albaabka urur goboleedka.
War saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh uu gudbiyay codsi ah in uu ka mid noqdo bulshada Bariga Afrika.
Bulshada Bariga Afrika; Urur-goboleed dawladeed oo ka kooban toddoba waddan oo ku yaal gobolka harooyinka waaweyn: Burundi, Kenya, Rwanda, South Sudan, Tanzania, Uganda iyo Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeyb galay furitaanka shir madaxeedka ururka oo ay martigelisay magaalada Caruusha ee dalka Tanzania, halkaasi oo uu ka gudbiyay codsi rasmi ah oo ku aadan ka mid noqoshada ururka.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka hadlay “Shaqada adag iyo firfircoonida shacabka Soomaaliyeed iyo fursadaha dhaqaale ee ka jira dalkeena, gaar ahaan kheyraadka dabiiciga ah sida macdanta, xoolaha iyo beeraha, taasoo Soomaaliya ka dhigaysa mid ka mid ah dalalka mustaqbalka wanaagsan ku leh gobolka. ”
“Aad baan ugu faraxsanahay in maanta aan arko calanka Soomaaliya oo ka garab babanaya calamada dalalkiina, waxaana rajeynayaa in uu sidaas ahaado sanadaha soo socda, Soomaaliya waa dal qani ah, waxaan leenahay kheyraad macdanta, xoolaha iyo beeraha. iyo tan ugu muhiimsan, waxaan leenahay bulsho ganacsi firfircoon."
Wuxuu sharraxay muhiimadda ay Soomaaliya u leedahay inay xubin buuxda ka noqoto dalladdan, isagoo xusay in mustaqbalka dhaqaale iyo bulsho ee dalalka Geeska Afrika uu yahay mid.
Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri: “Mustaqbalka dalalkan waa mid isku xiran, Soomaaliyana ma rabto inay culeys idin saarto. Taa beddelkeeda, waxaan rabnaa inaan noqonno waddan waxtar leh oo wax ku soo kordhiya waddamadan muhiimka ah. Haddaba, anigoo ku hadlaya magaca ummadda Soomaaliyeed, waxaan idiin soo gudbinayaa codsi rasmi ah oo ku aaddan xubinnimada dalladdan.”
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dadaal ugu jira ka qeyb qaadashada iskaashiga dhaqaalaha iyo fududeynta ganacsiga dalalka gobolka.
0 Comments