Baarlamaanka Carabta Soomaaliya waxay u baahan tahay dowlad tayo leh si ay u wajahdo caqabadaha, una gaarto amni iyo xasillooni.
Baarlamaanka Carabta ayaa dib u cusboonaysiiyay taageeradooda iyo garab istaagga Soomaaliya si ay uga gudubto marxaladan xasaasiga ah ayna xoojiyaan talaabooyinka ay qaadayaan ee ku aadan xaqiijinta amniga iyo xasiloonida dadkeeda iyo rabitaankooda.
Bayaan uu soo saaray Afhayeenka Baarlamaanka Adel Al-Asumi ayaa Hambalyo ugu diray Mudane Hamza maalin ka dib markii Golaha Shacabka Soomaaliyeed ay cod aqlabiyad leh ku ansixiyeen in loo magacaabo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, isagoo u rajeeyay in uu ku guuleysto howlaha horyaala.
Al-Soumi ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay kalsoonida weyn ee Berri uu ka helay Golaha Shacabka Soomaaliyeed, isagoo xusay in tani ay caddeyn u tahay khibradda iyo hufnaanta sare ee uu ku naaloonayo.
Waxa uu carabka ku dhuftay in Soomaaliya ay u baahan tahay dowlad tayo leh oo ka qeyb qaadata sidii ay uga hortagi lahayd dhammaan caqabadaha heysta, gaar ahaan cunno yarida iyo masiibadii abaareed ee dalka ku dhufatay.
0 Comments