Cilmibaarayaasha qaabilsan arrimaha seyniska ayaa diyaariyay liis ay ku jiraan cuntooyin aan la aqoon oo la sheegay in dunida laga isticmaali doono marka la gaaro sanadka 2050-ka.
Mustaqbalka, waxaad ku quraacan kartaa nooc kamid ah mooska
loogu magac daray 'Enset' ama waxaad cuni doontaa miro geedaha qaar oo aan
haatan wax badan laga aqoon.
Dagaalka Ukraine waxa uu iftiimiyay halista ka imaan karta in
lagu tiirsanaado oo kaliya ah dalagyo yar oo caalami ah kuwaas oo laga
ganacsado.
Isbaddalada cimilada ayaa hosreeday in cunto gabaabsiga ka jirta
meelaha iyadoo dalagyadii la beeri jirnay ay saameeyeen isbaddalada cimilada,
waxaana sareu kacay qiimaha cuntooyinka qutul duruuriga ah.
In la helo cuntooyin kala duwan waxay xal u noqon kartaa ka
hortagga gaajada iyo in wax laga qabto dhibaaooyinka ka dhasha saameynta xun ee
isbaddalada cimilada, ayuu yiri Dr Sam Pirinon oo ah cilmi baare ka tirsan
macadka qaabilsan cilmiga geedaha ee Kew ee ku yaalla London.
"Waan ognahay in ay jiraan kumanaan nooc oo dhir ah oo la
cuni karo oo adduunka oo dhan laga heli karo kuwaas oo ay cunaan dadyow kala
duwan, waana halka aan ka heli karno, waa tallaabada lagu xallin karo
dhibaatooyinka mustaqbalka," ayuu yiri.
Iyadoo in ka badan 7,000 geed laga heli karo dunida kuwaas la
cuni karo, waxaa haatan guryaha lagu isticmaalaa 417 oo kaliya ah.
Pandanus (Pandanus tectorius) waa geed yar oo ka baxa dhulka
xeebaha ah laga bilaabo Jasiiradaha Baasifiga ilaa Filibiin. Caleemahiisa waxaa
loo isticmaalaa in lagu macaaneeyo cuntada guud ahaan inta badan Koonfur-bari
Asia, halka mirahiisa la cuni karo iyagoo ceyriin ah ama iyagoo la kariyay.
Geedku wuxuu mid ku noolaan karo dhulka qallalan ama dhulka
qabow, dabeylaha xooggan, abaaraha, ayay tiri Dr Marybel Soto Gomez. oo ah
cilmi-baare ka tirsan macadka Kew.
"Waa cunto adkaysi u
leh cimilada iyo cunto nafaqo leh oo weliba macaan," ayay tiri.
"Waxay ahaan lahayd wax aad u wanaagsan in la helo cuntooyin kala duwan oo
dhaqan ahaan, nafaqo leh, oo lagu abuuri karo dhulalka qallallan ee adduunka
Digirta, waa "cuntada mustaqbalka" waa mid raqiis ah
oo laga helo borotiinno iyo fiitamiin B, Digirta waxaa lagu beeri karaa dhul
kala duwan sida xeebaha iyo goobah aku teedsan buuraha.
Aduunka waxaa laga helaa 20,000 nooc oo digir ah, laakiin noocyadaas wax yar ayaan ka isticmaalnaa
Haruurkan wuxuu u kala baxaa in ka badan 10,000 nooc-waxaa uu horseedaa fursado badan oo dhanka cuntada ah.
Fonio (Digitaria exilis) waa firiley Afrikaan ah oo nafaqo leh oo loo isticmaalo samaynta couscous, boorash iyo cabitaan. Lagu beero gudaha sida dalagga, geedka wuxuu u dulqaadan karaa xaaladaha qalalan.
Fonio (Digitaria exilis)- haruurka noocan wuxuu ka baxaa Afrika, waxaana laga sameeyaa boorash iyo cabitaan, dalaggan waa mid adkeysi u leh dhulka qallalan.
0 Comments