Mar kasta oo uu qofku doono in uu ka fogaado
mad madowga iyo fudaydka waxyaabaha qaar ee noloshiisa ku jira, waxa ay dadka
ku eedeeyaan in uu yahay qof is dhex gal la’aan ah, isla weyni, xitaa haddii uu
yahay qof caadi ah, in kasta oo uu yahay qof bulsho, haddana waxa lagu eedeeyaa
in uu yahay qof xidh-xidhan, isla weyni, oo aan jeclayn waxyaabaha yaryar.
Awoodda Shaqsiyadu maaha
madax adayg, ku adkaysasho, iyo ku adkaysiga ra’yiga haddii uu khalad yahay,
qofnimada adagi waa mid u dabacsan wada xaajoodka oo beddela ra’yigiisa haddii
uu ogaado inuu khaldan yahay. Xoogu waa raaligelin ta marka aad khaladantahay.
Khilaafaadka, dadka qaar ayaa raali galin ka bixiya xitaa haddii
aysan qaldanayn, iyagoo doonaya inay sii wadaan xidhiidhada ay la leeyihiin
kuwa ay jecel yihiin, sidaas darteed qof kasta oo raaligelin bixiyaa ma
khaldana.
Qofka jecel in uu la fadhiisto dadka waayeelka ah in badan,
waxaa lagu tiriyaa caadifad, wax bixin badan, jecel wax u qabashada dadka kale,
ka qaan-gaadhsan dadka kale, ka fogaada doodaha nacasnimada ah, ka door bida
doodaha waxtarka leh.
Marka aad qofka u qalbi qaboojiso wakhti daciif ah oo aad siiso
xoog oo aad u hiiliso, waxa aad qalbigiisa ka helaysaa maqaam gaar ah adigoon
is ogayn. taasi waxay leedahay sifo danaystenimo.
Dadku guud ahaan waa daacad marka ay jidh ahaan daalan yihiin,
waana sababta ay dadku u qirtaan wada sheekaysiga habeenkii.Hurdadu waxay dawo u tahay illowga xanuunka, dhibka, walbahaarka
iyo wax kasta oo xun oo qofka ku dhaca
.
0 Comments