Andy Scott waxaa uu galay shil baabuur, waxaa uu dhaawac kasoo gaaray lugaha."Shilku
wuxuu ka dhashay khaladaad aniga iga yimid, waxaan ka gudbayay waddo ku taalla
magaalada Washington DC xilli subax ah, waxaan eegayay telefoonkeyga" ayuu
yiri ganacsadahan."Ma
dareensaneen shilka balse baabuurka ayaa I jiiray, meel fog ayuu igu
tuuray"
Ganacsadahan caanka ah ee
da'da yare e reer Britain, Andy waxaa uu booqanayay Mareykanka sannadkii
2008-dii, waxaa uu dooni ku maray badda Atlantic.Milyan
dheerkan, Andy waxaa uu leeyahay Huteello, goobo iyo lagu caweeyo iyo hanti
kale, waxaa uu ku noolyahay nolol raaxo ah.Waxaa
uu ku safraa diyaaraddiisa gaarka ah iyo labo baabuur oo ah nooca loo yaqaanno
Ferrari.
Hase
yeeshee, waxaa saameyn ku yeeshay dhaqaalihiisa qalalaasihii dhaqaale ee dunida
ka dhacay sannadkii 2008-dii.Waxaa
uu sheegay in markii uu jiray da'da 20 sanno uu lacag amaah ah ka qaatay
bangiyada balse uu ku lumiyay 6Milyan oo lacagta Giniga ah.
Andy
wuxuu sheegay in markii hore uu niyad jab kala kulmay khasaaraha balse wuxuu
wacad ku maray inuu kasoo kabsan doono dhaqaale xumida ku habstay waaggaas. Andy wuxuu ku dhashay kuna soo barbaaray magaalada Portsmouth
ee ku taalla xeebta koonfureed ee Ingiriiska,
waxaa uu lacago ka heli jiray
soddogiisa oo uu gaari u wadi jiray kaas oo lahaa dhowr Dukaan.Waxaa
uu dheeli jirtay ciyaarta Rugby, waxaa uu sidoo kale ahaa Feryahan, waxaa uu
warddiye ka ahaan jiray baar lagu caweeyo oo ku yaalla Portsmouth sannadkii
1995-tii markaas oo uu jiray da'da 16 jir.
"Waxay
u muuqatay in aan yaraa, balse sharciga wuu ii ogolaa waaggaas in aan ku
shaqeeyo da'daas, waxaan ahaa Korey" ayuu yiri Andy.
Markii
uu gaaray da'da 18 jir waxaa uu Ayeeydiis ka dhexlay 5000 lacagta gini ah,
waxaa uu ku iibsaday guri.Waxaa
uu dhawaan iibsaday guryo badan,
Huteello iyo goobo lagu caweeyo.Wixii
ka dambeeyay sannadkii 2008-dii, saddex bilood ayay ku qaadatay inuu kasoo kaco
shilka, waxaa uu u baahnaa dhaqaale uu ku maalgeliyo ganacsigiisa, waxaa uu
sameeyay gancsiga guryaha, balse ma jirin cid dooneyso inay ka amaahiso lacag
qof dhaqaale noqday.Ugu
dambeyntii, qof ay saaxibo ahaayeen ganacsadahan ayaa ka deymiyay lacago sii
dhismo kaniisadeed iyo goob filimada lagu daawado uu ugu baddeli lahaa baar
lagu caweeyo, fikraddan ayaa noqotay mid mirodhal oo uu ganacsi ka sameeyay.
Wixii ka dambeeyay
xilliggaas, Andy waxaa uu sheegay in uu sare u qaaday ganacsigiisa isla
markaasa uu wax badan ka bartay si uu uga faa'ideyso fursdaha.Maanta,
shirkaddiisa REL Capital waxay ka kooban tahay dhowr ganacsi sida Huteello,
baar, shirkado dadka shaqaaleysiiya iyo ganacsi ku saabsan adeegyada xafladaha."Waa
ganacsi kala duwan, waxaan khibrad u leeyahay dhammaan qeybaha kala duwan ee
ganacsiga, waxaan ku takhasusnay ganasciga, waxaan sameynay shirkado"
Andy
waxaa uu isugu yeera inuu yahay 'Ganacsade', waxaa uu iibsaday shirkado hor leh
oo ganacsi waxaa uu u magaacabay agaasimeyaal si ay u maamulaan shirkadahaas."Waxaan
xilli hore bartay faa'iidoyinka aan sameeyay iyo dib u dhaca ku yimid
ganacsigeyga" ayuu yiri Andy.Isaga
oo dib u eegaya sida uu ku guuleystay ganacsigiisa ayaa waxaa uu sheegay in
aysan jirin
Bangi dambe uu dib celin dadaalkiisa ganacsi.Waxaa uu sheegay in deyn
bixiyaasha Mareykanka ay deymaha u cafiyaan ganacsatada la kulmo khasaaraha.Eleanor
Shaw, oo ah profesar ganacsiga ka dhiga Jaamacadda Strathclyde, ayaa ku raacsan
in UK ay u baahantahay in ay raacdo tusaalaha Maraykanka.
Profesoor
Eleanor Shaw oo ku takhasusay arrimaha ganacsiga ayaa waxaa uu qabaa in
Ingiriisku uu ku daydo tallaabada Mareykanka."Mareykanku,
ganacsatada wax khasaaro kalama kulmaaan guuldarrooyinka ku habsaday balse
waxay diiradda saarayaan waxyaabaha ay ka barteen, marka tallaabo ka duwan ayay
qaadaan si ay u ilaashadaan dhaqaalahooda"
0 Comments