Labaatankii sano ee
ugu dambeeyay goobo badan oo taariikhi ah ayaa laga helay Somaliland. Waxaa haatan jira in ka badan
boqol goobood oo ay ugu caasan taay Laas Geel oo laga helay dhagxaan ay sawirro
ku xardhan yihiin oo 9000 jirsaday. Si kastaba, dhagaxaantan maaysan aqoonsan
mana ilaaliyaan ururrada daryeela goobah ataariikhiga ah sida UNESCO.
Dr Saada Mire oo ah khabiir deegaanka ah ayaa sheegtay in Somaliland ay ku yaallaan goobo badan oo muhiim ah, kuwaas oo ay
tahay in laga warqabo oo la ilaaliyo.
Laasgeel oo 40 meyl dhanka waqooyi ka xigta magaalada Hargeysa
ayaa waxaa laga helay dhagaxaan ay sawirro ku xardhan yihiin , kuwaas oo noqday
astaan ay Somaliland caan ku tahay.
Dhagaxaantan sawirrada lagu xardhay oo qarniyo jirsaday ayaa soo
jiitay indhaha caalamka, kaddib markii ay soo saareen khubarro Faransiis ah
muddo labaatan sano ka hor ah.Suldaan Cumar Tareedh wuxuu ka mid yahay dadka halkaasi ku
dhashay ee ku soo barbaaray, wuxuu sheegay in Laasgeel ay ahayd meel
barwaaqo ah oo uu geela ku raaci jiray.
Magaca Laasgeel ayaa
muujinaya biyaha dabiiciga ah ee harada ka soo burqanaya . Dad badan oo
Somaliland ku nool ayaa haatan Laasgeel u arka meel muhiim ah oo astaan u ah dhaqankooda.Fursadahan waxay sare u qaadi karaan horumarka, dalxiiska iyo
dib u dhiska, balse goobo badan oo Somaliland ku yaalla oo dalxiiska ku wacan
lama ilaaliyo, waxayna halis u yihiin inay baaba`aan.
Somaliland waxaa ku yaalla meelo badan oo
taariikhi ah sida Awbarkhadle,SeylaciyoSanaag,dhagaxkure,dhammaantoodna waa astaan
muhiim ah, waxaase laga yaabaan in goobahaas ay baaba`aan haddii aysan aqoonsan
hay`adda Qramada Midoobay u qaabilsan waxbarashada, sayniska iyo dhaqanka, ee
UNESCO.
0 Comments