Astaamaha Lagu Garto Ama Uu Leeyahay Hogaanka Fiicani Marka laga hadlaayo hogaanka fiican ama hogaamiye fiican, waxaa laga yaabaa in ay maskaxdeena kusoo dhacdo, su,aasha ah, waa maxay tolow astaamaha uu yeelan karo hogaamiye fiicani maxaase lagu gartaa oo astaan u ah.
Waxaan markaa iskudeyeynaa in aynu ka eegno ama ka,abaaro laba dhinac oo kala ah.Dhinaca Islaamka iyo maxaa uu ka qabaa hogaanka fiican.Dhinaca kale oo ah aduunkan casrigaa ee hadda aynu kunoolahay, ee xadaaradda reer galbeedku majaraha u hayso, iyo siday u arkaan ama waxay ushardiyaan,in ay astaan utahay hogaanka wanaagsan.
Hadii hadaba aynu ku horayno dhinaca diinteena iyo Islaamnimadda fiican iyo siday u aragto hogaamiye fiican, waxaynu soo qaadan karnaa oo tusaale fiican inoogu noqon kara Nebigigeenii suubanaa SCW, oo dabecadiisa iyo kartidiisa hogaamineed ee uu lahaa ay, Aisha umul muuminiin kusifaysay in uu ahaa (Qur,aanka, kaana khuluquhul qur,aan).
Akhristow waxaa lagayaabaa in aad iswaydiiso maxaa isku xidhay dabeecad iyo karti iyo astaan hogaamineed, sida xadiiska ka cad waxaa hadda aisha sifaysay dabecadda uu lahaa subanuhu, lakiin dibni ahaana waxaa ku hoos jira, in awoodaha fulineed ee hogaamineed ee Nebigu lahaa , ay iyana kuqotontay kana dhinbiil iyo shidaalba qadanaysay Qur,aankeena Kariimka ah oo inoo sheegay in aan waxaba lagu dhaafin, haday tahay siyasadda Dawlad lagu maamulo dhaqan dhaqaale iyo ,qawaacidda sharci ee udegsan maamulka dawlad Islami ah.
Astaamaha guud ee ugu muhiimsan uguna caansan marka laga hadlaayo hogaamiye wanaagsan ,marka lagu eego aragti islaamiya waxaa kamidda kuwoodda ugu muhiimsan Amaano,Cadaalad,Karti,Dulqaad iyo utudhid,Naxariis iyo udamqasho dadkiisa raciyadda u ah.
0 Comments