QOOMIYADA MASAI WAX BADAN KA OGOW

 

masai people


Dhaqanka qowmiyada Masai, gaar ahaan ragga waxay raganimadooda dhameystirmaysaa marka uu dilo libaax, balse, haatan dhaqankaasi ayaa ah mid Meesha laga saaray, waxaana sabab u ah qorshe kaymaha Kenya lagu ilaalinayo taas oo horseeday in qowmiyadda Maasai iyo libaaxyada ay si nabad ah ugu wada noolan karan dhulka kaymaha ah.


Meiteranga Kamunu Saitoti, waxaa uu xusuustaa in uu aad ugu hami weynaa sidii uu u dilii lahaa libaaxyada.Markii uu ahaa wiil yar, waxaa uu ku koray dhul weynaha ay deganyihin qowmiyadiisa Maasai ee koonfurta Kenya, waxaa uuna sheegayaa in libaaxyada ay meel walba joogi jireen.Kaynta Amboseli, waxay caan ku tahay Maroodiga, Libaaxyada iyo bidhaanta buurta Kilimanjaro oo dhanka Koonfuurta kaga beegan halka ay deganayeen. Libaaxyada iyo duurjoogta kale waxay si nabad ah ugu gaaf wareegi jireen goobta ay deganayeen Saitoti.

Dhulka qowmiyada Maasai ay deganyihin ayaa ah mid juqraafi ahaan u dhaw amaba qarka ku haya kaymaha Kenya.Tusaale ahaan Kaynta Amboseli, waxaa ku nool Maroodiga, lo'gesi, Waraabaha iyo Libaaxyo. Qowmiayadda Maasai waxay kaynta ku dhaqdaan xoolahooda, waxayna gabaad isugu jiraan libaaxa oo xoolahooda cuna marka uu fursad ku helo.Arrintaas weli waa mid ka jirto inta badan miyiga Afrika. Libaaxyada iyo duurjoogta kale ayaa dadka kula nool kaymo aan deer ama xayndaab lahayn. Noloshana aad bay ugu adkaatay labadaba dhinac ee waa duurjoogta iyo aadanaha.

Qowmiyada Maasai iyo libaaxyada waxay dhulkan wadaagayeen qarniyo badan.Dadka Maasaida waxay isu arkaan inay leyihiin asataanta libaaxyada - waxay isu arkan inay yihiin dad gob ah, oo aad maqamkooda u sarreeyo, islamarkaasina adag.Markii uu Saitoti aadka u da'yaraa, xubnaha qoyskiisa waxay uga sheekeeyeen sheekooyiin aan caadi ahayn oo ugaadhsiga libaaxyada iyo sida ay u dhaqmaan marka ay la kulmeen libaax.Wax badan ayaa isaga laga filayay: qoyskiisa oo kaliya, aabbihiis iyo adeeradiis waxay dileen illaa 15 libaax.

Saitoti wuxuu dilay libaaxiisii ugu horreeyey isagoo 19 sano jir ah, wuxuuna ku dilay meel ciriiri ah oo geedo badan. Wuxuu sheegay in uu muddo gaadayay, ka dibna markii ay is arkeen, wuxuu waran dheer ku dhuftay ka horba inta uusan libaaxa ku soo boodin, sidaa ayuuna ku dhintay libaaxii.Ugaarsiga libaaxyada Maasai wuxuu ahaa dagaal u dhexeeyay geeri iyo nolol - waa laba dhinac oo cadawad weyn ay ka dhexeyso.Ma ahan ugaarsi abaalmarin lagu helayo, balse waxay ugu yeeraan ugaadhsiga isboortiga ah. Meel ayay si qarsoodi ah ugu sugayaan libaaxa markaas ka dibna dabin ayaa loo dhigaya, ka dibna waxaa lagu toogta hub aad u xoog badan.

In Libaaxa waran lagu dilo, oo dagaal gacan ah loola tago waxay u baahan tahay geesinnimo weyn. Balse Ugaarsiga libaaxa ee Maasai aad buu u yaraa, taas oo hoos u dhigtay tirada libaaxyada la dilay.Sanado ka dib markii uu dilay libaaxii ugu horreeyay, Saitoti wuxuu haddana dilay afar libaax oo kale. Wuxuu ka mid ahaa ragga ugu fiicnaa ee jiilkiisa ee libaaxyada dili karay, dadkiisa waxay u aqoonsadeen in uu yahay geesi.

Dadka qowmiyadda Maasai si fudud uma rumaysan karaan duni libaaxyo la'aan ah, mana rabaan in ay ku noolaadan duni libaax la'aan ah."Haddii aysan dhulka Maasai lahayn libaaxyo, waxay ka dhigan tahay wax xun," ayuu yiri Saitoti."Cabaadka iyo dhawaaqa libaaxa wuxuu calaamad u yahay farxadda duurka, iyo nasiibka wanaagsan."Mudo ka dib waxwalbo waa ay isbedelen

Tirada dadka ku nool Dooxada Amboseli ayaa si xawli ah u sii kordhaysay tobannaankii sano ee la soo dhaafay. Sannadkii 2006-dii waxay gaartay heer aad u sarreeya, xilligaas oo 100-kii libaaxba ay ku ag noolaayeen 35,000 Maasai ah iyo laba milyan oo xoolo ah.Sidaa darteed, dhul yar ayaa u soo haray libaaxyada iyo ugaadhsiga duurjoogta ah.Libaaxyada waxay bilaabeen in ay ugaadhsadaan xoolaha qowmiyada Maasai si aan hore loo arag, dadka Maasai-na waxay iyaguna bilaabeen inay dilan libaaxyada, oo waxay ahayd talaabo aargoosi ah.Sannadkii 2006-di, qowmiyada Maasai waxay waran ama sun ku dileen illaa 42 libaax. Arrintaas waxay horseeday isbeddel dhaqameed aasaasi ah, waxayna ku hanjabeen in ay ciribtiri doonaan libaaxyada Amboseli.

 Ka dib markii uu dilay libaaxiisii afaraad 2006-dii, Saitoti waxaa la dhigay xabsi, waxaana lagu ganaaxay lacag dhan 70,000 oo shilinka Kenya ah (qiyaastii £ 465); in kasta oo uu baahsan yahay, dilka libaaxa iyo ugaadhsiga kale oo dhan, sharci-darro ayuu ka yahay dalka Kenya, tan iyo sannadkii 1977-dii.Wax yar ka dib markii Saitoti xabsiga laga sii daayay, qaar ka mid ah lo'diisii ayaa la waayay. Isaga oo ku qanacsan in libaax cunay ayuu ka daba tagay, waxaa uuna biaabay in uu baadi-goobo laba libaax.Saacado ka dib, wuxuu arkay libaax geed hoostiisa jiifa oo dhergay, wuxuuna u dhowaaday ilaa hal ama laba mitir. Wuxuu waran kaga dhuftay xabadka.Isagoo raadinaya caddayn ah in libaaxu dilay lo'diisa. Saitoti wuxuu caloosha ka soo daadiyay libaaxa. Markii uu arkayna libaaxa calooshisa waxaa uu ku quus qaatay in uusan dilay uusanna cunin lo'diisa.

Sidaas awgeed Saitoti waxaa uu sheegay in dhawac culus nafsadiisa soo gaaray, waxaa uuna raggi la socday u sheegay in uu dilay xayawaan aan waxba galabsanin. Waxaa uu sheegay in dhaqanka Maasai uu yahay in markii libaaxa la dilo, la soo qaado madaxa iyo maqaarkiisa.Balse wuxuu maalintaas go'aansaday in uu gurigiisa ku laabto isagoo aan u dabaaldegeynin dilka libaaxayada balse ka murugeysan waxaa uu sameyay.Isla wakhtigan ayay ahayd markii Saitoti uu maqlay barnaamij lagu badbaadinayo libaaxyada oo ka bilowday aagga uu ku noola.

Post a Comment

0 Comments