Wiilkii daacadnimada lagu caayay ee sida weyn uga macaashay.

Emmanuel oo fasalka la fadhiya carruur ka yaryar

Wiilkan 19 jir ah ee xiran dharka iskuulka ee dhex fadhiya carruur lix sano isaga ka yar ayaa u muuqan karta arrin la yaab leh , balse inankan oo mar ka haray waxbarashada dugsiga hoose/dhexe ayaa aad u faraxsan.

Sanadkii hore wuxuu ahaa nin nolosha la halgamaya oo ku shaqaysta mooto, isaga oo balse heley lacag $50,000 kun dólar dhan oo qof kaga luntay wadada hareeraheeda.

Waxa uu u geeyay qof dumar ah oo ehelkiisa ah, taas oo la raadisay qofkii lahaa lacagta, kaas oo ugu dambeyn loo celiyay lacagtii.

Arrintan ayay dad badan ku caayeen wiilka, iyaga oo ku tilmaamay nina y madax martay daacadnimo doqonimo ah.

Balse waxa uu heley abaalmarin uu guddoonsiiyay madaxweynaha Liberia George Weah iyo lacag dhan $10,000 kun dólar, iyada oo xitaa nin mulkiile ka ah warbaahin madax banaan uu wiilkani guddoonsiiyay lacag uu ka uruuriyay akhristayaashiisa.

Iskuulka lagu magacaabo Ricks oo ka mid ah kuwa ugu sare dalkaasi ayaa siiyay waxbarasho lacag la'aan ah.

Sidoo kale Jaamacad ku taala dalka Maraykanka ayaa siisay deeq waxbarasho , waa haddii uu soo dhameeyo waxbarashada dugsiga sare oo uu hadda xoogga saarayo in uu diyaariyo.

Iskuulka Ricks oo la asaasay 135 ka hor ayaa waxaa dhigta dadka dabaqada sare ee Liberia, kuwaas oo ka mid ah bulshadii la xoreeyay ee addoonimada loogu qafaashay Maraykanka.

Post a Comment

0 Comments