Nuur Maxamed Dar, oo ah nin muslim ah oo ka soo jeedo Lagripura ee degmada Anantnag ee Jammu iyo Kashmir ee Hindiya ayaa ilaalinayay macbad ku yaal tuuladiisa 11-kii sano ee la soo dhaafay, Macbadkan waxaa ka qaxday kooxdii wadaadada Hinduuga aheyd ee gacanta u heysay, sanadkii 2011-kii, Nuur Maxamed wuxuu ku casuumay macbadka kooxdaas wadaadada.
Macbadka Lagripura waxaa sidoo kale loo yaqaanaa Kheer Bhavani Temple. Waxa jira macbad kale oo yar oo dhawr tallaabo u jira macbadkan, Nuur Maxamed ayaa wuxuu dusha saartay ilaalinta labada macbad, Nuur Maxamed xirfaddiisa waa cunto kariye, wuxuu dhalay labo gabdhood, Nuur Maxamed wuxuu sheegay in markii kooxdii wadaada aheyd ee Hinduuga ee kasoo qaxday tuuladiisa uu ka codsaday inay dib ugu soo laabtaan Kashmir si ay u arkaan macbadkii ay ka carareen.
Wuxuu yiri, "Ilaa 2011, waxaan aaday Jammu dhowr jeer si aan u booqdo kooxda waddaada ah ee ka soo qaxay tuuladayda. Waxaan ka codsaday inay soo noqdaan. Mar kasta waxay weyddiin jireen macbadkii tuuladii ay kasoo carareen, Waxaan u sheegi jiray inaan booqan doono tuuladooda. Mar kasta oo aan u tego kooxda Jammu, aad bay ii ixtiraami jireen, Nuur wuxuu sheegay in kooxda markii dambe ay ka aqbashay inay soo booqdaan macbadka, wuxuu bilaabay in uu qurxiyo.
Isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu yiri, "Kadib markii aan qurxiyay macbadka dhawr maalmood, kooxdii wadaada diinta Hinduuga ugu dambayntii waxay soo gaareen tuulada 21-kii June 2011. Markii ay arkeen macbadka la qurxiyey sida gri aroos ah, aad bey ugu farxeen tallaabadaas, maalmo dhowr ah oo ay ku sugnaayeen guryaha muslimiinta" Nuur Maxamed wuxuu sheegay in laga soo bilaabo sanadkii 2011-kii ilaa iyo maanta uu ilaalinayo macbadkan laga qaxay ee ku yaalla tuuladiisa.
Markii ay colaadda ka bilaabatay gobolka Kashmir sanadkii 1990, kooxda wadaada ah waxay u qaxeen gobollo kala duwan oo ku yaallo Hindiya, wakhtigaas waxaa Kashmir ku yaallay 30 macbad ah, Waxa uu sheegay in Muslimiinta ku nool tuuladiisu waligood aysan ka hor joogsan ilaalinta iyo daryeelidda macbadkan, Nuur Maxamed waxa uu sheegay in Muslimiinta ay mar walba ku taageereen ilaalinta macbadkan.
Wuxuu yiri, "Wax dhib ah kalamaan kulmin ilaalinta macbadkan ilaa maanta. Muslimiinta deriskayga ah had iyo jeer way i taageeri jireen. Laakiin waxaan oran karaa dhammaanteen waan ilaalinay macbadka, xitaa iguma aysan oran, maxaad u ilaalineysaa macbadka adigoo Muslim ah?" Wuxuu sheegay in macbadka iyo masaajidka ay isku mid u yihiin.
Wuxuu sheegay in ilaalinta iyo daryeelidda macbadka aysan u horseedi doonin in uu ka baxo diinta Islaamka, "Waxaan tegaa macbadka anigoo ku shidaya fooxa, biyo ayaan ku nadiifiyaa, Diinteyda wax dhibaato ah uma keeneyso arrintani, marka laga reebo ilaalinta macbadka waxaan sidoo kale ku dhaganahay diinteyda" ayuu yiri Nuur Maxamed.
0 Comments