Muddo labo sano ah, wariyaha BBC-da ee lagu magacaabo Emma Jane Kirby ayaa baaritaan ku heysay sheeko ku saabsan Xiddigle Paul Meyer, oo ah farsamayaqaan Mareykanka u dhashay, oo la waayay raqdiisa iyo ruuxiisaba.
Kaa soo diyaarad ka xaday ciidammada cirka ee Mareykanka, xilli ay England ku sugnaayeen sanadkii 1969-kii, wuxuuna diyaaraddaas u duuliyay gobolka Virginia, isagoo ujeeddadiisu ay ahayd inuu la kulmo xaaskiisa.
Mr Meyer, oo xubin ka ahaa ciidammada cirka ee Mareykanka, marka uu diyaaradda la baxsanayay wuxuu ahaa nin aroos cusub ah oo xaaskiisa ay waqti dhow aqal galeen.
Ku dhawaad 2 saacadood ka dib markii uu hawada ku jiray, wuxuu si lama filaan ah ugu libdhay biyaha loo yaqaanno English Channel-ka, dib dambena looma arkin.
Sida lagu ogaaday inuu xaaskiisa awgeed u baxsaday waxay ahayd markii la dhageystay codka taleefankii uu kula hadlay markii uu u sheegayay inuu dhankeeda ku wajahan yahay.
Paul oo markaas 23 jir ahaa ayaa xaaskiisa Jane Goodson ka kiciyay hurdo wuxuuna ku yiri: "Gacaliso, shimbir ayaan cirka lasoo marayaa, guriga ayaana u soo socdaa".
0 Comments