Dawlad deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya ayaa bilaabaysa qorshe ku cusub guud ahaan Afrika oo daruuraha lagu carinayo si ay u da'aan, iyadoo la adeegsanayo tiknoolojiyad casri ah.
Hannaankan oo ay adeegsadaan dalalka horumaray ee adduunka ayaa loo sameeyaa si daruuraha biyo loogu dhaliyo kaddibna meel la isugu keeno si uu roob u da'o.
Arrintan ayaa kusoo aadday xilli isbuucyadii lasoo dhaafay baraha bulshada ee Soomaalida uu si weyn u qabsaday mowduuca la xiriira qaabka daruuraha roobka looga dhaliyo iyo saameynta ka imaata howshaas.
Maamulka ayaa tallaabadan shaaciyay xilli hadda ay roobabkii xilliga guga ka curteen meelo badan oo ka mid ah geyiga Soomaalida iyo guud ahaan gobolka.
Marka uu soo shaac baxay warka ku saabsan in Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya laga hirgelinayo qorshahan, waxaa soo baxaya su'aalo badan oo la xiriira sidii ay dadku ku fahmi lahaayeen.
Waxyaabaha la si weydiinayo waxaa ka mid ah sababta waqtigan roobku da'ayo loogu soo beegay mashruucan, xilli lasoo maray abaar aad u daran oo saameysay dad iyo duunyo.
0 Comments