Maxay tahay Sababta ka weyn kaftanka ee uu Will Smith u dharbaaxay majaajiliiste Chris Rock ?

Will Smith & Jada Pinkett Smith

Kaddib sannado ay hoos u dhaceen tirada dadkii daawan jirey munaasabaddan, ayay guddiya soo qaban qaabiya waxa ay aad ugu baahnaayeen in ay helaan dad dheeraad ah oo daawada xafladda abaarmarinta billadda Oscar-ka ee sanadkan 2022-ka.

Waxa ay isku dayeen wax walba oo ay sare ugu qaadi karaan daawashada - waxay keeneen xiddigo waaweyn, waxay sameeyeen bandhigyo toos ah, waxay xafladda daadihinteeda u dhiibeen dad caan ah, waxayna yareeyeen lacagaha lagu galo hoolka. Xitaa waxay sameeyeen xayeysiimo hordhac ah.

Laakiin intii ay munaasabaddu socotay, majaajiliiste sheegay kaftan iyo atoore Hollywood-ka ka tirsan oo kaftankaas ka fal celiyay ayaa sabab u noqday in daawashadii ugu badneyn ay hesho xafladda, Guddigu waxay rabeen dad daawada. Hadda way heleen wax ku filan.

Ka hor inta aysan dhicin xafladda la qabtay maalintii Axadda, waxaa si weyn loo filayay in Will Smith uu ku guuleysan doono billaddiisii ugu horreysay ee Oscar-ka oo abid uu helo, taasoo uu ku muteystay bandhigga uu ku sameeyay filimka uu aabaha u yahay Venus iyo Serena Williams ee lagu magacaabo King Richard, Hase yeeshee, waxa aan la fileynin ayaa ahaa in uu taariikhda ku geli doono sabab aad uga duwan middaas.

Munaasabadaha lagu bixiyo billadaha waxaa ka dhaca arrimo layaab leh. Xasuuso fannaanka Kanye West markii uu weeraray masraxa munaasabaddii abaalmarinta MTV, xilli uu masraxa khudbad aqbalaad ah ka jeedinayay Taylor Swift; in qof aanan ahayn guuleystaha sawirkiisa lagu baahiyay shaashadda xafladdii Oscar-ka ee 2017-kii; ama siyaasiyiin cabitaan lagu daadiyay markii ay joogeen munaasabadda abaalmarinada aflaamta Britain ee Brits.

Balse way adag tahay in la xasuusto dhacdo ka naxdin badan kana qalalaase badan tan ku saabsan Will Smith oo dharbaaxo xoog badan afka uga dhuftay Chris Rock, taasoo muuqaalkeeda dhowr saacadood gudahood lagu daawaday boqollaal milyan oo jeer.

"Waxay ila tahay in ay micno cusub u sameyn doonto erayga kaftan," ayay tidhi Rebel Wilson oo qaab maad ah uga hadlaysay arrintan. "Nasiib ayaan leeyahay maadaama aan xafladdii Baftas soo gudbay anigoo aysan waxba i gaadhin.". Rebel waa gabadh majaajilada ku xeeldheer oo u dhalatay dalka Australia oo inta badan daadihisa xafladaha abaalmarinta.

Post a Comment

0 Comments