Maxaad ka taqaanaa Faa`iidooyinka uu gaarka u leeyahay Malabka Talyaaniga ee "Corbezzolo".

Malabka Corbezzolo.

Malabka Talyaaniga ee faa'idooyinka badan lagu sheegay Shinnida sameysa waxaa laga helaa jasiiradda Sardiiniya ee dalka Talyaaniga waxayna ubaxa ugu badan ee ay malabkaasi ka sameyso k aheshaa geedka Strawberry.

Malabkan oo loo yaqaanno Corbezzolo dhadhankiisu waa uu ka duwan yahay malabka caadiga ah oo ma macaano oo wuxuu leeyahay dhadhan qaraar. Malabkan aadka naadirka u ah waxaa laga helaa dhul buuraley ah oo ku yaalla jasiiraddaasi.

Dadka xoola dhaqatada ee jasiiraddaasi ku noolna muddo ka badan 2,000 oo sano waxay dhaqanayeen Shinnidaasi iyaga gaaguur dhaqami ah u dhiga maadaamaa ay fahmeen faa'idada tirada badan uu malabkan leeyahay.

Garyaqaan iyo Falasoofi lagu magacaabi jiray Marcus Tullius Cicero oo noolaa (106-34) wuxuu xusuus dhowrkiisa uu ku sheegay shakhsi ay dowladdi rumaaniyiinta u xirna oo xukun dil ah ay ku rideen inuu ku daweeyey, wuxuuna yiri "waxkasta oo jasiiradda Sardiiniya laga helo waa qaraar xataa malabka halkaasi laga helo."

Cicero malabka qaraar ee Corbezulu iney nafaqa ka buuxda sida oo kalana ay ka buuxaan fiitaaminno iyo macdin waxtar u leh caafimaadka qofka iyo maaddooyin bararka ka hortaga.

Sida oo kale malabkan qaraar ee Talyaaniga oo keli ah laga helo waxay khubaradu sheegeen inuu sabab u yahay dadka jasiiraddaasi ku nool intooda badan da'dooda iney 100 jir kor u dhaafto.

Malabkan waxaa sida oo kale qarniyo loo isticmaalayey dawa dhaqameed lagu daweeyo hurdo-yarida, qufaca, suuxdinta, bararka iyo ka hortagga Shuban-biyoodka.

Daraasad 2019-ki ay sameeyeen cilmi baarayaal ka tirsan Jaamacadaha Polytechnic ee Marche iyo Vigo Granada ee Spain waxay cilmi baaristooda ku soo gabagabeeyeen malabka Corbezzolo inuu yareeyo koritaanka kaansarka mindhiciirka ku dhaca maadaamaa unugyada cudurka sii faafin lahaa uu kala qaybiyo.

Post a Comment

0 Comments