Halis intee leeg ayaan ugu jirnaa hubka nuclear-ka ?

Madaafiicda nuclear-ka Ruushka ee biyaha hoostooda ku socda - sawir laga jaray muuqaalka Wakaaladda Wararka Ruushka ee Tass

Maalintii Axadda, Madaxweyne Putin ayaa amar ku siiyay taliska militerigiisa in ay heegan geliyaan "awoodda ugu sarreysa" oo uu ka mid yahay hubka nuclear-ka. Balse tallaabadaas maxay ka dhigan tahay?

Gebi ahaanba ma kala cadda arrintu, sida ay sheegeen khubarada wax falanqeeya ee Reer Galbeedka. Saraakiisha UK waxa ay sheegeen in luuqadda uu Putin adeegsaday aysan waafaqsaneyn waxyaabaha ay ka fahansan yihiin heerarka diyaar garowga iyo heegan gelinta hubka nuclear-ka Ruushka.

Qaar ka mid ah khubaradu waxa ay u maleynayaan in amarka uu bixiyay Putin uu yahay mid ka sarreeya heerka ugu hooseeya, ee ah "kan joogtada ah" marka laga hadlayo hubka nuclear-ka, 

haddana uu gaadhsiiyay heerka xiga ee ah "in madaxa kor loo qaado" (Waxaana kasii sarreeya labo heer oo kala ah "khatarta militeriga" iyo "riditaanka", oo ah ficilka ugu dambeeya ee aan waxba laga reebin, Tallaabo kasta waxa ay ka dhigan tahay in hubka nuclear-ka loo sii diyaariyo isticmaalid.

Hase yeeshee, dad badan waxa ay aaminsan yihiin in tallaabada uu Putin qaaday ay tahay oo kaliya mid ku aaddan baaqa dadweynaha, kana duwan rabitaan ujeeddadiisu tahay in la adeegsado hubka noocaas ah, maadaama uu Putin og yahay in Reer Galbeedku ay nuclear ku aargoosanayaan haddii uu isticmaalo.

Wasiirka Gaashaandhigga ee UK, Ben Wallace, ayaa bidhaamiyay inuu aaminsan yahay in hadalka Ruushka uu yahay mid "afka uun ku eg", Taas micnaheedu ma aha in aysan khatar jirin, xaaladdana aad baa isha loogu hayn doonaa.

Post a Comment

0 Comments