Colaadda Ukraine: Cadho ka dhalatay qaabka Soomaalida iyo Afrikanaka kale loola dhaqmayo.

Isaac, oo u dhashay dalka Nigeria

Dowladda Nigeria ayaa cambaareysay wararka sheegaya in muwaadiniinteeda iyo kuwa dalal kale oo Afrikaan ah laga joojiyay inay ka baxaan dalka Ukraine oo ay dagaallo ka socdaan.

Isaac, oo ah nin u dhashay Nigeria oo isku dayayay inuu galo Poland, ayaa sheegay in shaqaalaha xuduuda ay u sheegeen "ineysan u ogolayn Afrikaanka, Dib ayaa naloo eryay, waxaana na jugeeyey booliis qoryo ku hubeysan," 

Clayson Monyela oo ah sarkaal ka tirsan xafiiska arrimaha dibadda ee Koonfur Afrika ayaa sidoo kale sheegtay in ardayda si xun loogula dhaqmay xadka dalkaas.

Waxaa sidoo kale jiray warbixinno badan oo sheegaya in saraakiisha ammaanka ee Ukraine ay dadka Afrikaanka ah u diideen inay raacaan basaska iyo tareenada u socda xadka.

Osemen, oo u dhashay Nigeria, ayaa BBC u sheegay inuu isku dayay inuu tareen ka raaco Lviv si uu u geeyo xuduudka Poland, balse loo sheegay in dadka Ukraine oo kaliya loo ogolaan doono inay raacaan.

Madaxweynaha Nigeria Muhammadu Buhari ayaa sheegay in Ukraine ay ku sugan yihiin ilaa 4,000 oo Nigerian ah oo u badan arday.

Waxa uu sheegay in hal koox si isdaba joog ah loogu diiday in ay soo galaan Poland sidaas darteed ay dib ugu soo laabteen Ukraine si ay u aadaan Hungary.

"Dhammaan kuwa ka cararaya xaalad colaadeed waxay xaq isku mid ah u leeyihiin inay si badbaado leh u safraan sida uu dhigayo Axdiga Qaramada Midoobay, midabka baasaboorkooda ama maqaarkooda waa inuusan wax isbeddel ah keenin," ayuu Mr Buhari ku yiri bartiisa Twitter-ka.

In ka badan 500,000 oo reer Ukraine ah ayaa ilaa hadda ay u suurtagashay inay ka baxsadaan duulaanka Ruushka.

Post a Comment

0 Comments