Bisadaha Ruushka oo laga mamnuucay tartamada caalamka.

Warbixintan ayaa la soo dhigay barta intarneedka ee xiriirka Fédération Internationale Féline (FIFe)

Xiriirka caalamiga ah ee bisadaha ayaa dhammaan tartamada bandhigga bisadaha caalamka ka mamnuucay bisadaha dalka Ruushka sababo la xiriira duulaanka uu ku qaaday dalka deriska la ah ee Ukraine.

Warbixin la soo dhigay barta intarneedka ee xiriirka Fédération Internationale Féline (FIFe) ayaa lagu sheegay in xiriirkani uu aad uga naxay duulaanka Ruushka uu ku qaaday dalka Ukraine, sidaa awgeedna uu go'aansaday in bisadaha Ruushka laga mamnuuco in ay ka qaybgalaan tartamada uu qabanqaabiyo xiriirkani, kuwaa oo ka dhaca adduunka oo dhan.

Warbixintaasi ayaa sidoo kale lagu sheegay in bisadaha laga keenay dhanka Ruushka aan loo ogolaan doonin in laga diiwaan geliyo ururrada hoos yimaada xiriirkan ee ka jira meelaha ka baxsan gudaha dalka Ruushka.

Xayiraaddani lagu soo rogay bisadaha Ruushka ayaa sii jiri doonta ilaa iyo dhammaadka bishan Maarso, iyadoo sida warbixintaasi lagu sheegay dib-u-eegis lagu sameyn doono muddadaasi kaddib.

Xiriirka caalamiga ah ee bisadaha ayaa dhanka kale sheegay in qeyb ka mid ah miisaaniyaddiisa loo qoondeyn doono taageeridda dadka bisahada ku dhaqda gudaha dalka Ukraine oo hadda wajahaya dhibaato la xiriirta duulaanka Ruushka.

Xiriirkani ayaa la sameeyay 73 sano ka hor, waxaana sida lagu sheegay booggiisa xubin ka ah 40 waddan oo ka tirasan waddaamda caalamka.

Tallaabadani ayaa qeyb ka ah dedaallada lagu go'doominaya dalka Ruushka oo inta badan waddamada reer galbeedka ay xayiraado dhaqaale ku soo rogeen.

Mareykanka iyo waddamo kale oo reer Yurub ah ayaa diyaaradaha Ruushka ka mamnuucay hawadooda, waxaana sidoo kale xayiraado dhaqaale lagu soo rogay shakhsiyaadka xiriirka dhow la leh madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin.

Post a Comment

0 Comments