Hay`adda samafalka ee Daar Al Bir ayaa ugu busharaynaysa shacabka somaliyeed gaar ahaan kuwa ay abaaruhu sameeyeen imaatinka dhawaan gargaar bini'aadantinimo oo aad u balaadhan, kaas oo laga soo abaabulay dalka Imaaraatka carabta.
Dadaalka iyo taakulaynta ay Imaaraatku ku taageerayaan umadeena ay abaaruhu saameeyeen ee somaliyeed maaha mid yar, oo runtii waxba inagamay hagranin, xili walbana waqtigii loo baahnaa ayay shacabkeena garab istaagaan.
Waxa xusid mudan in Hay’addaha Samafalka ee Dar Al Ber iyo bisha cas ay dhawr mar bixiyeen gargaar bini aadan-nimo oo ay ku taakulaynayaan dadka ay abaaruhu saameeyeen ee somaliya.
Dalka Imaaraadku waa taageeraha ugu weyn ee garab taagan mar walba shacabka Soomaaliyeed, waxaanu had iyo jeer ka taakuleeyaa dhibaatadooda iyo waxyaabaha ay tabanayaan.
Mahad iyo bogaadin ayaan u jeedinayaa dadaalka iyo gargaarka baini aadan-nimo ee Imaaraadku ka wado somaliya, waxaana ilaa hadda yimid 4 diyaaradood oo gargaar ah, wax kale oo ay balanqaadeen walaleheen imaaraadkuna waan rajaynaynaa.
Waxaan mar labaad iyo sadexaadba uga mahad celinaynaa walaaleheen imaaraadka carabta gargaarka iyo taakulaynta ay xili walba la garab taagan yihiin shacabka somaliyeed, waxaanan leenahay ilaahay ha idinka abaal mariyo camalkiina suuban.
0 Comments