Shaqooyinka ay halista ku hayso teknooloojiyaddu ee inay Dabar go`aan laga yaabo.

Shaqooyinka halista ku jira.

Waxaa jiraa shaqooyin qaar oo ka ciribtirmi doono dunida maadama ay soo ifbaxayaan aalado casri ah oo qaban karaa shaqooyinkaas xilli dunida ay ku tallaabsatay horumar weyn oo dhanka horumarinta shaqooyinka iyo waxsoo saarkaba, Hadda iska jir shaqooyinka qaar ee qarka u saaran in la waayo sanadaha soo socda.

Darawalnimada: Darawalnimada ayaa kamid ah shaqooyinka meesha ka bixi karo xilli waaxyaha gaadiidka adduunka la casriyeeyay taas oo wax ka baddali karto dhammaan sida loo howlgeliyo.

Waxaa jiraa malaayiin qof oo ku tiirsan shaqada darawalnimada oo ka cabsi qaba in arrintani ay saameyso mustaqbalka, Sida laga soo xigtay xarunta Goldman Sachs , dad lagu qiyaasay 3 malyan oo ku nool Mareykanka ayaa halis ugu jiraa inay waayaan shaqooyinkooda maadama ay soo korodhay teknooloojiyada casriga ah ee lagu kaxeeyo baabuurta.

Dhakhtarnimada : Waa arrin wareerkeeda leh maadama bukaanada ay ku tiirsan yihiin dhakhaatiirta, Kadib saameynta ka dhalatay safmarka Karoona wuxuu isbaddallo ku yimid waaxyaha caafimaada adduunka, waxaana la xaqiijiyay in xitaa dhakhaatiirta ay ku adkaatay inay ogadaan cudurrada qaar taa baddalkeedana lagu ogaado teknooloojiyadda.

Waxaana shaqadan halis gelinayaa qalabka casriga ah ee caafimaadka qaabilsan sida adeegsiga adeeg la yiraahdo 'telemedicine' oo horseedi karo in dhakhtarka uu xaaladda la socdo adiga oo jooga meel fog, waxaanay tani dhalin kartaa in laga maarmi karo dhakhaatiir fara badan maadama la adeegsanayo qalab casri ah.

Shaqooyinka la xiriira maamulidda maktabadaha, Dadka waxay haatan isaga tageen maalmihii buugaagta lagu soo akhrin jiray maktabadaha iyo cilmo baarista lagu soo sameyn jiray, wax kasta waxaa baddalay dunida casriga ah.Haatan waxaa dunida ka howlgalaa maktabado casri ah, Xitaa baryahan dambe waxaa buugaagta laga heli karaa internetka oo qofka dhaalacan karo isaga oo gurigiisa joogo.

Maqal hayaha "khasnaji" Maalmihii hore waxaa jiri jiray qof lacagaha ka uruuriyay xarumaha ganacsiga iyo goobaha kaleba isaga oo kuu soo celinayo baaqikaaga, Dunida casriga ah waxay horseeday in dadka intooda badan aysan adeegsanin lacagaha caddaanka ah, Waxaa soo ifbaxay adeegyo casri ah oo lacagaha lagu xawisho ama lagala baxo.

Shaqaalaha bangiyada : Bangiyo badan oo adduunka ku yaalla, waxay haatan yareynayaan shaqaalaha maadama adeegyadaha lacagaha lagu sameeyo adeegyada casriga ah ama Digital-ka.

Mustaqbalka waxaa dhici kartaa in bangiyada qaar ay iska xiraan xarumahooda maadama adeegyada ay ku fulin doonaan Online-ka, Dunida waxaa haatan si weyn loo maalgelinayaa ganacsiga Online-ka maadama adeegyada la xiriira lacagaha laisku marsiin karo halkaas.

Post a Comment

0 Comments