Shirkad uu fadhigeedu yahay dalka Ingiriiska ayaa sheegtay daraasad ay sameysay iney ku ogaatay magaalada barakeysan ee Madiina ee ku taalla dalka Sacuudiga iney kaalinta koowaad ay ka gashay magaalooyinka ugu ammaanka badan ee ay haweenka keligood u safri karaan.
Shirkadda InsureMyTrip oo daraasad xog uruurin ah ka sameysay 65 magaalo ayaa tobanka magaalo ee ugu horreeya dhanka amniga kala siisay kaalmaha 1aad - 10aad.
Daraasaddaasi oo ku saabsaneyd ammaanka iyo badqabka haweenka habeenki keligood socda. Waxayna magaaladaasi ay hormuud u noqotay magaalooyinka ay ka dhicin xadgudubyada dumarka loo geysto.
Magaalada Chiang Mai ee Thailand ayaa kaalinta labaad soo gashay halka kaalinta seddexaadna ay ku jirto magaalada Dubai ee caasimadda iisu tagga Imaaraadka. Kaalinta ugu hooseysa magaalooyinka caalamka ugu nabdoonna waxaa ku jirta magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika.
Magaalada Madiina oo ah magaalada labaad ee Barakeysan ee ku xigta Maka al-Mukarrama waxay sida oo kale u furan tahay iney booqdaan dadka aan muslimka ahayn iyada oo dadka booqdana ay aad uga helaan.
Daraasadda ay shirkaddu sameysay waxaa kale oo lagu sheegay 84% dadka keligood magaaladaasi u socdaala iney dumar yihiin.
Shirkadduna waxay sheegtay daraasaddan iney sameyso ay ku timid si baahiyaha dadka safraya ama magaalooyinka kala duwan u dalxiis taga baahiyahooda loo ogaado.
Magalada Madiina waxaa kale oo ay noqotay magaalada ay haweenku habeen iyo maalinba keligood socon karaan iyaga oo aan ka cabsaneyn in loo geysto xadgudub jinsiga la xiriira.
Magaalooyinka ay dumarka halista ugu badan kala kulmaan oo ay keligood socon karin waxay daraasaddu ku sheegtay iney yihiin magaalooyinka Johannesburg, Kuala Lampur iyo Delhi.
Magaalooyinka daraasadda laga qayb geliyey oo ay tiradoodu gaareysay 65 waxaa lagu doortay iney yihiin magaalooyinka ay dumarku jecel yihiin iney booqasho ku tagaan.
0 Comments