Shaqo-helista: Habab ku saabsan helista shaqada kuugu horrayso.

haqo ka dhigo shaqo-raadint

Shaqada ugu horraysa ee uu qofka helo waa mid ku wayn mustaqabalka qofka shaqo-doonka ah, Khibrad la'aan iyo aqoon badan oo uusan qofka u lahayn shaqada dunidan ayaa mararka qaar waxa ay ku keentaa caqabado inta uu ku jiro baadigoobka shaqadiisii ugu horraysay.

Sida uu sheegay Sanduuqa Lacagta Adduunka (IMF), Afrika waa qaaradda kaliya ee si wayn uu u kordhaayo dadka shaqayn kara. Intii u dhaxaysay 1990 illaa 2020, dadkaas haatan waa ay labalaabmeen. Waxa ay ahaayeen 61.8 milyan oo qof halka haddana ay yihiin 115.8 milyan.

Xilligan sida wayn ay dadku gudaha Afrika uga baadigoobayaan shaqooyinka, ayaanay qofka ku filnayn shahaadada koleejka oo kaliya si uu shaqo u helo. Waa inaad si wanaagsan u diyaarsan tahay si aad u qancisid dadka shaqooyinka bixiya.

BBCda qeybteeda Af-Faransiiska ayaa waxa ay la xiriirtay Modou Mboup, Xoghayaha Guud ee Dhaqdhaqaaqa Ganacsiga ee Senegal, si uu bal talo u siiyo dadka baadigoobaya shaqadoodii ugu horraysay, Halkan ayaadna uga bogan-kartaan:

Waa inaad lahaataa tababar xirfadeed oo wanaagsan, Shaqooyinka la heli karo ayaa aad u yar markii la barbardhigo dadka shaqo-doonka ah. Tartanku aad ayuu u sarreeyaa, Marka, si aad uga soo dhexmuuqatid dadkaas badan, waa inaad marka horaba leedahay tababar xirfadeed oo wanaagsan.

Waana in qofku uu yaqaan waxa uu qabanayo, Ganacsaduhu ma iibsanayo aqoon, ee waxa uu doonayaa qof garanaya sida loo qabto shaqada, xirfaddiina leh.

Qofka shaqa-raadiska ku jira ee aanan wadan shahaadooyinka waxbarasho ayaa leh fursad yar oo uu ku heli karo shaqo wanaagsan.

Post a Comment

0 Comments