Wiilka yar ee sida cajiibka ah korontada ku gaarsiiyay tuulada uu ku nool yahay.

Aadan waa ardey dhigta fasalka siddeed ee dugsiga hoose

Wiil yar oo 14 jir ah ayaa lagu bogaadiyay markii uu korontada gaarsiiyay tuulada uu kasoo jeedo isaga oo adeegsanayo saalada xoolaha.

Aadan Xuseen Diida oo ah arday dhigata fasalka 8-aad ee dugsiga hoose dhexe ee Tula Web, ayaa sheegay in uu mashruucan u bilaabay si uu u wax ka qabto dhibaatada haysata dadka tuulada ku nool ee aan haysan adeegyada aasaasiga ah sida waddooyinka, isbitaallada iyo korontada.

Wuxuu wiilkan korontada gaarsiiyay dhowr guri oo ku yaalla deegaanka Borana ee dhaca koonfurta Itoobiya.

Aadan wuxuu mashruucan ka dhalinta korontada saalada xoolaha ka bilaabay gurigooda isaga saalada xoolaha ku uruuriyay god dheer oo labo mitir ah.

Waxaana u suurogashay in halkaa uu kasoo saaro koronto ku filan ilaa siddeed guri, wuxuu guri kasta ka qaada $0.87 doolar.

Dadka deegaankaas ku dhaqan ayaa u badan dad xoolo dhaqato ah oo ku tiirsan xoolahooda balse waxaa si ba'an u saameysay abaaraha ka jira gobolka.

Aadan waxaa caawiyay lacagtii yareyd uu ka qaadayay qoysaska uu guryahooda u geliyay korontadan cajiibka ah ee uu soo saaray.

"Aad ayaan ugu faraxsanahay howsha aan qabtay ilaa hadda, waxay yiraahdeen waxaan meesha ka baxay qiimihii aan ku iibsan jirnay batariyada iyo tooshyada. 

Haatan carruurtoodu waxay hadda wax ku akhrisan karaan guriga intii ay sugi lahaayeen in uu waagga ka baryo si ay u qabtaan casharada uu macalinka usoo diray" ayuu yiri Aadan.

Post a Comment

0 Comments