Madaxweynaha Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud
Madaxweynaha Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray shacabka Soomaaliyeed iyo guud ahaan hay’adaha Qaranka, kadib guusha taariikhiga ah ee dalkeennu uu ku hanatay kursiga Golaha Nabadda iyo Amniga Midowga Afrika, muddada 2026–2028.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in guushan ay astaan u tahay horumarka diblomaasiyadda Soomaaliya iyo dib u soo kabashada doorka hoggaamineed ee dalkeennu uu ku leeyahay heer qaaradeed iyo heer caalam iyo shaqada wanaagsan ee ay qabatay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee dalkeena.
Kalsoonida iyo taageerada ay Soomaaliya ka heshay
Kalsoonida iyo taageerada ay Soomaaliya ka heshay dalalka xubnaha ka ah Midowga Afrika waxay caddeyn u tahay isbeddelka togan ee dalka ka socda iyo xiriirka iskaashi ee sii xoogeysanaya. Horey waxaan xubin uga noqonay Golaha Ammaanka Qaramada Midoobey, maanta waxaynu fadhinnaa Golaha Amniga iyo Nabadda Afrika,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Sidoo kale wuxuu si gaar ah ugu mahadceliyay dhammaan dalalkii taageeray una codeeyay Soomaaliya, isagoo xusay in guushan ay ka tarjumeyso wadajir, saaxiibtinimo iyo aragti mideysan oo ku aaddan Afrika nabad ah, xasilloon, isla markaana horumar leh.
Ku biirista Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika
Ku biirista Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika ayaa Soomaaliya siinaysa cod iyo awood ay ku saameyn karto go’aannada muhiimka ah ee la xiriira nabadda, xasilloonida, iyo xalinta khilaafaadka qaaradda.
Waxay sidoo kale u oggolaaneysa Soomaaliya inay kaalin muuqata ka qaadato qorsheynta iyo hirgelinta siyaasadaha la xiriira nabad-dhisidda, difaaca xuquuqda aadanaha, iyo ka hortagga khataraha amni ee gobolka Si kastaba, ku biirista Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika ayaa kor u qaadeysa sumcadda Soomaaliya ee caalamka, iyada oo muujineysa in dalka uu si tartiib-tartiib ah uga soo kabanayo caqabadihii amni iyo siyaasadeed ee soo maray.

0 Comments