Aamina Eelaay iyo Laftagareen oo ay ka dhex-tafatay – Maxay isku hayaan?

 






Xildhibaan Aamino Eelaay oo ka tirsan Golaha Shacabka

Xildhibaan Aamino Eelaay oo ka tirsan Golaha Shacabka, lagana soo doorto Koonfur Galbeed ayaa maanta faah-faahin ka bixisay waxa ay isku hayaan iyada iyo madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen Aamina oo maanta hadal-siisay warbaahinta ayaa sheegtay in iyada iyo Laftagareen ay isku hayaan siyaasadda, ayna dhaliishan tahay hoggaamintiisa.


Sidoo kale waxa ay ku dooday in isagu aanu siin kursiga 

Sidoo kale waxa ay ku dooday in isagu aanu siin kursiga ay hadda ku fadhiso ee Baarlamaanka, balse ay leedahay beesheeda, sidaasna ay ku timid Aniga Beel ayaa isoo dooratay ee kursi ima siin Laftagareen, waxaana naga dhexeeyo siyaasad oo kaliya” ayay tiri Xildhibaan Aamina Eelaay.


Waxaa kale oo ay intaasi ku dartay in horay loogu diiday

Waxaa kale oo ay intaasi ku dartay in horay loogu diiday inay tegto magaalada Baydhaba, isla markaana maamulka la wareegeen qoysta madaxweynaha, sida ay hadalka u dhigtay Baydhaba aniga waa la’iiday xittaa inaan dhimasho dhacday u tego ciidana nalooma ogoleyn hal qoys ayaa la wareegay meesha” ayay raacisay Aamina.


Xildhibaannadan ayaa muddo kamid ahayd xubnaha taabacsan maamulka madaxweynaha Koonfur Galbeed, waxaase dhawaan ay kasoo muuqatay shirka mucaaradka ee looga soo horjeeday Cabdicasiis Laftagareen Maamulka ayaa hadda wajahaya xaalad siyaasadeed iyo kuwa ciidan, waxaana xoogeysanaya dhaqdhaqaaqa looga soo horjeedo Laftagareen & xukuumadiisa.



Post a Comment

0 Comments