Koobka Qaramada Afrika ee 35-aad ayaa ka bilaabanaya Morocco 21-ka December
Koobka Qaramada Afrika ee 35-aad ayaa ka bilaabanaya Morocco 21-ka December, iyadoo finalka uu ka dhici doono Rabat 18-ka Janaayo Dalka martida loo yahay ayaa doonaya in uu qaado koobka markii ugu horaysay tan iyo 1976 kii, halka Mohamed Salah uu fursad u heli doono inuu ka fekero mustaqbalkiisa Liverpool isaga oo doonaya in uu qaado koobkii ugu horeeyay ee Masar tan iyo 2010 kii.
BBC ayaa cayaartoyda ugu caansan lix ka mid ah isha ku qabatay Fadlan halkan riix oo ku soo biir janalka WhatsApp ee BBC Somali si aad u hesho wararkii ugu dambeeyey ee caalamka, iyo kuwa gobolka Azzedine Ounahi (Khadka dhexe Morocco Kabtanka iyo cayaartoyga Afrika ee sannadka Achraf Hakimi ayaa wajahaya xaalad uusan wareegyada ugu dambeeya hubin inuu cayaari doono, sidaasoo ay tahay dakla marti galinaya ayaa u baahnaanaya inuu meel kale ka helo dhiirrigelin
Kubad sameeyaha Real Madrid Brahim Diaz ayaa ahaa gooldhaliyaha ugu sareeyay isreebreebka isagoo dhaliyay 7 gool, laakiin Azzedine Ounahi oo khadka dhexe ee Atlas Lions tiir u ah ayaa ah ninka ay dad badan oo Moroccan ah rajeynayaan inay arkaan Isagoo ka aflaxay akadeemiyada caanka ah ee Mohammed VI Academy, Ounahi ayaa waxaa soo maray wakhti jaha wareer ah intii uu la joogay Marseille ka dib markii uu u wareegay Stade Velodrome Si kastaba ha ahaatee, 25 jirkaan ayaa dib u helay qaar ka mid ah qaab ciyaareedkiisii ugu fiicnaa tan iyo markii uu u dhaqaaqay kooxda La Liga ee Girona bishii Agoosto.
Morocco oo wajaheysa Comoros Mali iyo Zambia oo ku wada jira Group A
Morocco oo wajaheysa Comoros, Mali iyo Zambia oo ku wada jira Group A, kuma yara laacibiinta qaybaha kale ee garoonka marka loo eego inay sidoo kale ku faanaan goolhayaha ugu sareeya qaaradda ee Yassine Bonou iyo weeraryahanka khibrada leh ee Youssef En-Nesyri - laakiin Ounahi ma noqon karaa mid ka soo bixi kara haddii Hakimi laga saaro? Mohamed Amoura (Weeraryahan, Algeria Gooldhaliyaha ugu sarreeya Afrika ee isreebreebka Koobka Adduunka 2025 ilaa hadda waa sannadkii Amoura.
Weeraryahanka Wolfsburg ayaa dhaliyay 11 gool sideed kulan oo uu u saftay dalkiisa tan iyo bishii Maarso, oo ay ku jirto seddexley uu ka dhaliyay Mozambique Qaabkaas wanaagsan ayaa ka caawiyay in 25-jirkan uu noqdo dookha koowaad ee Les Verts Riyad Mahrez ayaa wali ah ninka ugu muhiimsan kooxda heysata horyaalka 2019, laakiin waxa uu la dhisay isfaham dhow saaxiibkiis Amoura waxa laga yaabaa inuu dhererkiisu yahay 5 cagood iyo 7 inji, laakiin Guruubka E oo ay ku jiraan Sudan, Burkina Faso iyo Equatorial Guinea waa inay ogaadaan in cayaartoyga Wolfsburg uu weli khatar ku yahay.
Victor Osimhem (Weeraryahan, Nigeria)
Doorashadiisu way caddahay laakinse nasiibka Nigeria wuxuu u muuqdaa inuu si dhow ugu xiran yahay helitaanka iyo qaabka weeraryahanka Galatasaray Kooxda Super Eagles ayaa kaliya afar dhibcood ka qaatay 15 dhibcood oo ay heli kareen markii 26 jirkaan uu maqnaa intii lagu jiray ololihii isreebreebka Koobka Adduunka ee 2026 ee aan ugu dambeyntii guuleysan.
Osimhen ayaa laf dhabar u ah ciyaarta kooxda uu hogaamiyo Eric Chelle, waxaana Nigeria ay lumisay wadadii ay ku ciyaareysay koobka aduunka ee ay la ciyaareen DR Congo markii lagu qasbay inuu garoonka ka baxo dhamaadka qeybtii hore Isagoo saaxiibkiis Frank Onyeka uu ku tilmaamay inuu yahay heer kale qaab ciyaareedka Osimhen ayaa noqon doona mid muhiim ah haddii Nigeria ay dooneyso inay horumar ka sameyso kaalinta labaad ee ay ku dhameysteen kulankii ugu dambeeyay ee Ivory Coast.
Xulkan saddexda jeer ku guuleystay koobka ayaa ku bilaabaya
Xulkan saddexda jeer ku guuleystay koobka ayaa ku bilaabaya cayaarta ay uga hor imaanayaan xulka Tanzania oo ku jira Group C, iyadoo kulamo kale ay la ciyaari doonaan Uganda iyo Tunisia oo heysata horyaalka 2004 Ibrahim Mbaye (Weerar, Senegal Sadio Mane ayaa weli ah gooldhaliyaha ugu sareeya kooxdii ku guulaysatay koobka Afcon sannadkii 2021, halka Iliman Ndiaye iyo Ismaila Sarr ay yihiin xiddigaha Premier League ee haatan ka caawiya sameynta seddexda weerar ee cajiibka ah.
Laakin dunida kubadda cagta ayaa laga yaabaa inay aragto xiddigga mustaqbalka ee socda ee libaaxyada Teranga, Ibrahim Mbaye oo ku jira Guruubka D oo ay ku wajahayaan Botswana, DR Congo iyo Benin Ciyaaryahankii hore ee da'yarta Faransiiska ayaa waxaa u fududeeeyey Paris St-Germain xilli ciyaareedkan in uu kooxda 1aad la cayaaro, isagoo bilaabay guushii Champions League ee Barcelona ka dib markii uu tartanka ku bilaabay bedelka kulankii European Super Cup ee ay ka badiyeen Tottenham.
Mbaye ayaa kulankiisii ugu horeeyay Senegal u saftay bishii hore Brazil, maalmo ka dibna waxa uu noqday ciyaaryahankii ugu da'da yaraa ee abid gool dhaliya isagoo jira 17 sano iyo 298 maalmood, markii uu shabaqa soo taabtay kulankii ay 8-0 ku xasuuqeen Kenya Rogers Mato (Weerar, Uganda) Kooxda the Cranes ayaa ku soo laabtay Afcon markii ugu horeysay tan iyo 2019, markii ay ka soo baxeen 16-kii u dambeeyay, waxayna u dhismeen sidii ay u gaari lahaayeen finalka 2027 Xulka Paul Put ayaa ku dhameystay kaalinta labaad ee Group-kooda isreebreebka Koobka Adduunka, waxayna ka dambeeyaan Algeria, iyadoo Rogers Mato uu dhaliyay seddex gool.
22-jirka garabka ka ciyaara ayaa labo gool oo cajiib ah dhaliyay guushii ay ka gaareen Mozambique bishii Sebtembar, waxaana uu qaab ciyaareed adag ku qaatay kooxda Vardar ee ka dhisan Waqooyiga Macedonia Uganda ayaa wajaheysa tijaabooyin adag iyagoo ku jira Group C, waxayna wajahayaan labo horyaal oo hore, Nigeria iyo Tunisia Cranes-ku waxay u baahan doonaan inay qaataan fursadahooda marka ay yimaadaan, Mato-na waxa uu noqon karaa mid muhiim u ah isku dayga ay ugu jiraan inay u gudbaan wareega 16ka Reinildo (Difaac, Mozambique
Mosambiik ayaa u socdaalaysa Waqooyiga Afrika ayagoo aan marnaba soo gaarin qaybaha kala reebta ee shantii kulan ee ay hore u cayaareen ee tartanka Afcon Laakinse markii ugu horreysay ayaa waxaa kooxda xoojinaya cayaartoyga ka cayaara Premier League ee Reinildo oo ah cayaartoyga kaliya ee Musambiik u dhashay ee ka cayaara horyaalka Ingiriiska, ka dib markii uu kaga soo biiray Sunderland kooxda Atletico Madrid ee SPain bishii Luulyo Wuxuu ka cayaaraa garabka bidix ee difaaca, wuxuuna 31 jirkaas gacan ka gaystay in kooxdiisa ay ka soo baxdo tartanka heerka labaad.

0 Comments