Fahad Yaasiin oo weerar culus ku qaaday Xasan – Muxuu ka sheegay?


 




Agaasimihii hore ee Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka

Agaasimihii hore ee Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo haatan dibad-joog ah ayaa qoraal uu soo saaray uga hadlay xaaladda dalka, gaar ahaan qorshaha Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud Fahad ayaa soo saaray farriin uu uga hadlay damaca Xasan ee qabashada doorasho qof iyo cod ah, isaga oo is barbar dhigay xilligii uu ahaa mucaaradka iyo hadda.


Sidoo kale wxuu hoosta ka xariiqay in doorashada la qaban qaabinayo ay tahay qof iyo qori, uuna qabsanayo hal xasbi, sida uu hadalka u dhigay Waxaa kale oo uu hoosta ka xariiqay in guddiga doorashada uu yahay guddi hal dhinac u raran, isla markaana uu ka shaqeynayo danaha Madaxweynaha oo kaliya.


Waxaan kaligay qabsanayaa doorasho magaceeda la dhaho qof iyo qori

Waxaan kaligay qabsanayaa doorasho magaceeda la dhaho qof iyo qori. Waa doorasho hal magaalo ah, hal xisbi ah, guddi hal dhinac ah. Qalabka anigaa leh, Natiijadana anigaa sii aqaan. Kartidaas dalka oo dhan kaligay baa leh.  La idiin oojin maayo ee ogaada! ayuu yiri Fahad Yaasiin Waxaan ku guulaystay in aan Madaxweyne Farmaajo ka hor istaago qabashada doorasho qof iyo cod ah, waliba aan xabbad ku joojiyo, Mirinaayo usoo fariisto ilaa aan Farmaajo ku qasbay inuu talada Doorashada iska wareejiyo. Sidaas waxaan yeelay anigoo mucaarad ah.


Waxaan ku guulaystay in aan Madaxweyne Saciid Dani ka fashiliyo doorasho qof iyo cod ah

Waxaan ku guulaystay in aan Madaxweyne Saciid Dani ka fashiliyo doorasho qof iyo cod ah, waliba waxaan ku handaday in Putnland ay 24 cisho gudahood ku dumisayso haduusan jojinin Dani, wuxuu ku qasbanaaday inuu qabto doorasho dadban. Sidaas waxaan hirgaliyey anigoo ah Madaxweynaha Jamhuuriyadda ah. Loo joojin maayo.


Waxaan kaligay qabsanayaa  doorasho magaceeda la dhaho qof iyo qori. Waa doorasho hal magaalo ah, hal xisbi ah, guddi hal dhinac ah. Qalabka anigaa leh, Natiijadana anigaa sii aqaan. Kartidaas dalka oo dhan kaligay baa leh.  La idiin oojin maayo ee ogaada!



Post a Comment

0 Comments