Aadan Madoobe oo baaq u diray Xildhibaanno katirsan Golaha Shacabka oon..

 




Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay wehliso Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar ayaa shir guddoomiyay kulanka guddiga joogtada ee Golaha Shacabka oo ka dhacay xarunta guddoonka iyo guddiyadda ee Villa Hargeysa.


Kulanka guddiga joogtadda ayaa looga dooday Ajendayaasha horutebinta u leh kulamada guud ee Golaha Shacabka, gaar ahaan Ajendeynta kulamada golaha todobaadka soo socda.


Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka 

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo kulanka soo xiray ayaa kula dardaarmay xubnaha guddiga joogtada in guddi walba uu dedejiyo ka shaqeynta shuruucda hortaala islamarkaana uu u gudbiyo golaha si loo marsiiyo habraacyada u harsan.


xaadiritaanka kulamada golaha iyo in la la ilaaliyo kooramka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa mar kale ku celiyey muhiimadda ay leedahay soo xaadiritaanka kulamada golaha iyo in la la ilaaliyo kooramka, maadaama golaha horyaalaan shuruuc muhiim ah oo u baahan in laga shaqeeyo, waxa uuna Xildhibaanadda sabab la’aanta uga maqan kulamada ugu baaqay in ay soo xaadiraan.


Post a Comment

0 Comments