Siciid Deni oo degmooyin ka dhigay deegaanno hoostaga Maamulka Waqooyi Bari

 




Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni

Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa wareegto uu maanta soo saaray degmooyin ugu magacaabay labo deegaan oo katirsan gobolka Sanaag, oo dhawaan dadka dega qaarkood ku biireen maamulka cusub ee Waqooyi Bari ee lagu dhisay Laascaanood.


Wareegtada uu soo saaray Madaxweyne Deni

Wareegtada uu soo saaray Madaxweyne Deni, ayuu ugu magacaabay in ay degmooyin noqdaan deegaannada Ceel-Buh iyo Baraagaha-Qol , waxaana deegaanadan katirsan yihiin gobolka Sanaag oo hadda isku heestaan maamulada Puntland iyo Waqooyi Bari


Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Xeer Madaxweyne Lr. 06 ee 03-da Sebteembar 2025 ku dhisay Degmooyinka Ceel-Buh iyo Baraagaha-Qol ee Gobollada Sanaag iyo Haylaan.


Madaxweynaha Dowladda Puntland Markuu arkay

Madaxweynaha Dowladda Puntland Markuu arkay Dastuurka Dowladda Puntland, Qodobkiisa 80-aad Markuu arkay: Baahida loo qabo dhismaha degmooyin cusub oo ka tirsan Gobollada Sanaag iyo Haylaan.


Markuu tixgeliyey: Talo-soo-jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland. Wuxuu Xeeriyey 1. Waxaa la dhisay Degmada Ceel-Buh oo ka mid noqonaysa Degmooyinka Gobolka Sanaag 2. Waxaa la dhisay Degmada Baraagaha-Qol oo ka mid noqonaysa Degmooyinka Gobolka Haylaan.



Post a Comment

0 Comments