Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Hon Abdirisak Ahmed Said
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Hon Abdirisak Ahmed Said oo uu wehliyo guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Hon Mohamed Mahamud Esse ayaa maanta Shir-guddoomiyey fadhiga 24-𝒂𝒂𝒅 𝒆𝒆 𝑲𝒂𝒍𝒇𝒂𝒅𝒉𝒊𝒈𝒂 56-𝒂𝒂𝒅 Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.
Fadhiga maanta ayaa qorshe hawleedku sii wadista ka shaqeynta Xisaab-xirka Sannad-maaliyadeedka 2024 ee Puntland.Ugu horrayn waxaa Golaha laga hor akhriyey Warbixinta Guddiga Maaliyadda, Dhaqaalaha iyo Xisaabaadka Golaha Wakiillada ee
𝗫𝗶𝘀𝗮𝗮𝗯-𝘅𝗶𝗿𝗸𝗮 𝗦𝗮𝗻𝗻𝗮𝗱-𝗺𝗮𝗮𝗹𝗶𝘆𝗮𝗱𝗲𝗲𝗱𝗸𝗮 𝟮𝟬𝟮𝟰.
Intaas ka dib, Goluhu wuxuu cod aqlabiyad leh ku Meelmariyeen ansixiyey Xisaab-xirka Sannad-maaliyadeedka 2024 si waafaqsan Qodobada 64(13) iyo 137(1) ee Dastuurka DPL iyo qodobka 64 ee Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada DPL, Waxaa Oggol ugu codeeyey 38 Mudane, Diidmo 2 Mudane, halka aysan jirin cid ka aamustay.
𝗚𝗼𝗹𝗮𝗵𝗮 𝗪𝗮𝗸𝗶𝗹𝗹𝗮𝗱𝗮 𝗗𝗼𝘄𝗹𝗮𝗱𝗱𝗮 𝗣𝘂𝗻𝘁𝗹𝗮𝗻𝗱 ayaa cod gacan-taag ah ku ansixiyey 𝐔𝐣𝐮𝐮𝐫𝐨 gaar ah oo lagu maalgelinayo 𝗗𝗶𝗳𝗮𝗮𝗰𝗮 𝗣𝘂𝗻𝘁𝗹𝗮𝗻𝗱.
Mudanayaasha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland
Mudanayaasha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland ayaa cod gacan-taag ah ku oggolaaday in maanta si rasmi ah loo soo xiro Kalfadhiga 56-aad ee Golaha, waxayna soo saareen War saxaafadeed ay uga hadlayaan xaalada dalka oo si kulul loogu cambaareeyey DFS oo lagu eedeeyey iney qas iyo xasiloni daro ka wado qeybo ka mid ah dalka.

0 Comments