
Waxay ahayd Abriil 28, 1967, wax yar ka hor siddeedii subaxnimo, feeryahan Muxammad Cali ayaa yimid xarunta qorista ciidamada Mareykanka.
Dagaalkii Vietnam ayaa marayey halkii ugu sareysay waxaana lagu dilay boqolaal askari oo Maraykan ah. Intaas oo kaliya kuma eka, ee dad careysan oo waddooyinka isugu soo baxay ayaa gubayay warqado laga soo diray waaxda qoraalka ciidamada Mareykanka, iyadoo dad badan oo kasoo horjeeda qoraalka ay sidoo kale u qaxeen Canada. Feeryahan Maxamed Cali wax dan ah kama lahayn in uu u baxsado Canada, mana uusan doonayn in uu ka mid noqdo ciidamada Maraykanka.
Labo sano ka hor, Maxamed Cali ayaa wareysi uu bixiyay ku sheegay dagaalka ka socda Vietnam, Damiirkaygu ma oggolaan doono inaan toogto walaalaheyga saboolka ah iyo kuwa gaajaysan ee maariinka ah, oo aan ku toogto amarka Mareykanka ee awoodda badan. Oo maxaan u toogtaa, weligood iigumay yeerin nigger (erey dadka madow loo isticmaalo), weligood ima garaacin, weligood eyga igama dabadhigin, weligood dhalashada igama qaadin, weligood hooyadey ma kufsan, weligood aabbahay ma dilin... maxaan u toogtaa, sidee baan u toogtaa dadka masaakiinta ah? xabsiga i geeya.
Laakiin laba sano ka dib waraysigiisii, feeryahankii feerka cuslaa waxa uu yimid xarunta ciidanka Maraykanka lagu qoro, isaga oo tagsi wata, isaga oo ku labbisan suud buluug ah oo cirka u eg , waxana hareero socday wariyayaal Maxamed Cali waxa uu ahaa shaqsi aad loo xiiseeyo u, waxa uu ku celcelin jiray maahmaahyo marka uu socdo, mararka qaarkood waxa uu u hadli jiray si cajiib ah oo isga u gaar ah waxa uu inta badan ku maaweelin jiray feeryahannada ka soo horjeeda ee giraanta feerka ku jra, isaga oo u sheegaya sida uu u garaaci doono.
Ka hor ciyaartii Horyaalka Miisaanka Culus ee 1964-tii, Maxamed Cali waxa uu hore ugu dhawaaqay guushiisa, waxaanu yiri: "Kani waa Casey Clay, feerhahanka ugu quruxda badan adduunka maanta, feeryahan da'yar la iskama indho tiri karo, horyaalnimada miisaanka culusna waa hiigsigiia.Xarun ciidanka lagu qoro ayaa nin caan ka ahaa ciyaaraha uu makarafoon hor dhigay oo uu weydiiyey Maxamed Cali waxa uu samaynayo.
Maxamed Cali ayaa kaamirada horteeda ku dhoola cadeyay, wuxuuna yiri: 'Kama jawaabayo'
Maxamed Cali oo markaasi agteeda qaatay diinta Islaamka ayaa galay xarunta ciidamada Maraykanka ee magaalada Houston ee dalka Maraykanka. Magaca Maxamed Cal dhalashadiisa 'Cassis Clay', ayaa loo bixiyay oo loogu yeeri jiray, laakiin markii uu maqlay magacan, kama falcelinin mana soo bixin. Sida ku cad taariikh nololeedka Maxamed Cali, sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada Maraykanka ayaa Maxamed Cali ka saaray safka dadkii halkaas ku sugnaa, wuxuuna u kaxeeyey xafiis ku yaal halkaas, wuxuuna weydiiyey bal inuu garwaaqsaday 'halista ficikiisa.
Maxamed Cali waxa uu sheegay in uu arrimahaas oo dhan fahmay. Dabadeed taliyihii halkaas joogay ayaa haddana ku dhawaaqay: 'Cassis Clay, fadlan soo bax oo ku biir ciidanka Maraykanka. Maxamed Cali wuu diiday. Daqiiqado ka dib, Maxamed Cali ayaa ka soo baxay xarunta qorista ciidamada Mareykanka, wuxuuna hadal siiyay suxufiyiinta.
Hadalka ayaa lagu yiri Anigoo Muslim ah, waxaan diiday in aan ka mid noqdo ciidamada Mareykanka si waafaqsan damiirkeyga iyo waxa aan aaminsanahay. Waxa uu intaasi ku daray, "Waxaan rumaysanahay in ogolaashaha iqoritaankan ay la mid tahay in ay ka soo horjeedo qiyamka diineed. Waxaan u arkaa Allaah inuu yahay garsooraha kama dambaysta ah ee ficillada la sameeyo anigoo eegaya dareenkayga."
Isla maalintaas, Maxamed Cali ayaa laga qaatay shatiga feerka.
Maxamed Cali isaga oo dhacdadan buuggiisa kaga hadlayaa waxa uu qoray, "Markaan Houston ka tago, waxa aan aadi doonaa musaafuris oo aan cuni doonaa waxa ay khubaradu sheegeen oo ah in nolosheyda kusoo jiray dagaal.
Sida laga soo xigtay wargeyska Maraykanka kasoo baxa ee The New York Times, bishii Juun 20, 1967, maxkamad ku taal Houston ayaa Muhammad Ali ku heshay dambi ah inuu ku xadgudbay 'Sharciga Tababarka iyo Adeegga Caalamiga ah ee milateriga'. Qaadiga maxkamada ayaa ku xukumay shan sano oo xarig ah iyo $10,000 oo ganaax ah. Maxamed Cali ayaa ka codsaday garsooraha maxkamadda in uu soo saaro xukunka dacwadda lagu soo oogay isaga oo aan sugin, garsooraha ayaana isla markiiba aqbalay codsigiisa.
Sida laga soo xigtay wargeyska Maraykanka, Maxamed Cali, oo markaas 25 jir ahaa ayaa yiri, "Waan u mahadcelin lahaa haddii maxkamaddu ay hadda i xukunto halkii aan sugi lahaa."Maxamed Cali ayaa markaas laga mamnuucay feerka, waxaana afarta sano ee sku xigtay isaga iyo qareenadiisa ay racfaan ka qaateen xukunkaasi maxkamadda sare.
Markii aysii korortay dhaleeceynta dagaalkii Vietnam, Maxamed Cali wuxuu sidoo kale khudbado ka dhan ah dagaalka ka jeediyay jaamacadaha wuxuuna kusoo baxay geesi ka soo horjeeda dagaalka. Mid ka mid ah khudbadahaas uu Maxamed Cali u jeediyay dadkii iskusoo baxay ayuu ku yiri "Waxa la ii sheegay in aan haysto labo fursadood, oo ah in aan xabsiga galo ama aan ka mid noqdo ciidanka, balse waxaan dhihi doonaa waxa jirta waddo kale, taasina waa cadaalad.
Martin Luther King Jr. ayaa sidoo kale Maxamed Cali ku ammaanay go'aankaas wareysi uu bixiyay. Waxa aan arinkan kala hadlay Maxamed Cali, waxa aana u maleynayaa inuu daacad yahay, sharci ahaan waa bannaan tahay in laga soo horjeesto, si buuxda ayaan u taageerayaa go'aankiisa."
Maxamed Cali ayaa shatiga feerka dib loogusoo celiyay 1970. Sida laga soo xigtay Washington Post, "Ka dib markii uu ku tartamay laba tartan oo kaliya tan iyo markii uu soo laabtay, 29-jirka Maxamed Cali wuxuu ku dhawaaqay inuu la dagaallami doono horyaalka cusub ee Joe Frazier wuxuuna dib u soo ceshaday horyaalkiisii miisaanka culus 8 maarso , 1971, Fagaarraha Madison Square Garden ee magaalada New York.
Si kastaba ha ahaatee, Joe Frazier ayaa dhulka ku riday Maxamed Cali wareegii 15-aad ee ugu dambeeyay. Sannadkii 1971kii, maxkamadda sare ee Maraykanku waxay laashay xukunkii Muxamed Cali, iyadoo go'aan midaysan ka qaatay. Waxa maalintaas maxkamadda ka dhacay ayaa ahaa wax cajiib ah.
Sida ku cad buuga 'The Brothers' ee ay qoreen Bob Woodward iyo Scott Armstrong, April 23, 1971, garsoorayaasha maxkamadda sare ee Maraykanka ayaa shir qarsoodi ah yeeshay, si aqlabiyadn ah waxa ay go'aamiyeen in Maxamed Cali lagu xukumo xabsi. Madaxa cadaaladda Warren Berger ayaa markaa u xilsaaray garsoorka John Harlan inuu qoro ra'yiga inta badan. Laakin karraaniga Garsooraha John Harlan, oo soo diyaarinayey fikradda, ayaa waxa uu ku qanciyay karraaniga kale inuu dib u eego go'aanka, wuxuuna mar kale la hadlay Garsoore Harlan.
Habeenkaas, Garsoore Harlan waxa uu dib u eegay dhammaan galka dacwadaha oo uu ku dhawaaqay subaxii xigay in uu rumaysan yahay in Waaxda Caddaaladdu ay khalad samaysay. Garsoore Harlan ayaa ku taliyay in maxkamaddu ay ka noqoto go'aanka. The Brethren ayaa qoray in argagax uu ka dhacay maxkamadda. Justice Potter Stewart ayaa sidoo kale soo jeediyay in Maxamed Cali lagu sii daayey qalad farsamo oo ka dhacay waaxda cadaaladda. Garsoorayaasha oo dhami mid mid ayay iskugu raaceen 28-kii June waxa la soo saaray go'aan midaysan.
Sida laga soo xigtay wararka wargeyska Maxamed Cali markii uu maqlay go'aanka isagoo ku sugan Chicago, wuxuu yiri, "Waxa aan u mahadcelinayaa Ilaah, sidoo kale waxa aan u mahadcelinayaa maxkamadda sare oo fahamtay manhajkeyga cusub ee diinta. Bishii Janaayo 1974-kii, Maxamed Cali wuxuu ka adkaaday George Foreman wareegii sideedaad dagaal ka dhacay Congo, wuxuuna mar kale noqday horyaalka adduunka.
The American newspaper Posta yaa qoray in "in guusha loo arkayay mucjiso, xaqiiqada ah inay Afrika ka dhacdana waxay kordhisay muhiimaddeeda astaaneed Wargeysku waxa uu qoray in "sidii cajiibka ahayd ee uu Maxamed Cali uu dib ugu soo ceshaday magaciisii toddobo sano ka dib loo arkayay bandhigga ugu weyn ee xirfadda feerka.
0 Comments