Gabar tababare kubadda cagta ah una ololeysa qaxootiga
Gabar tababare kubadda cagta ah una ololeysa qaxootiga ayaa laga hor istaagay inay ku dheesho surwaal sababtoo ah waxay xirataa kuwo dhaadheer beddelkii ay surwaal gaaban xiran lahayn, taasoo ay sheegtay inay wax u dhimeyso diinteeda.
Iqra Ismaaciil, oo kabtan ka ahayd Soomaaliya sanadkii 2019 isla markaana aasaastay Hilltop FC, ayaa sheegtay in arrimahan ay yimaadeen kadib markii ay heshiis la saxiixatay kooxda United Dragons FC.
Gabadhan 24 jirka ah oo ku nool galbeedka London ayaa la filayay in cayaartii ugu horreysay ay ka qeyb gasho Axaddii taasoo ay la dheeli lahayd koox ka dhisan bariga London.
Xiiso ayaan u hayay, inaan aado ayaan diyaar u ahaao. Waxaan imid qeybta hore ee ciyaarta garsooraha ayaana ii sheegay inaanan dheeli karin ilaa aan soo xirto surwaal gaaban, ayay tiri. Isla kooxdaas ayaan ku dhowaad shan sano u cayaarayay anigoo xirnaa isla dharkan dheer weligeyna ma xiran dhar gaagaaban.Waxaan u sheegay inaan marnaba ku qanacsaneyn inaan xirto dhar gaagaaban..
Wax la yaab leh ayay ii ahayd in garsooruhu uu go'aan saa u adag qaato.
Si la dareemayo ayaan u murugeysnaa iyadoo ciyaartu socoto, saaxiibbadey kooxda iyo maamulaha aad ayay ii caawiyeen. Qof walba wuu la muraara dillaacay. Iqra, oo tan iyo siddeed jirkeedii banooniga dheeli jirtay, ayaa sheegtay in mar qalba ay xirato shaati gacmo-dheere ah, funaanadda kooxda, hijaabka ciyaaraha loogu talo-galay iyo surwaal dheer iyo qalab kale oo muhiim ah.
Waan ogahay haween badan [oo aan isku diin nahay] oo aan u dheelin kooxahan, xitaa haddii ay awoodaan, sababtoo ah kuma qanacsana inay xirtaan dhar gaagaaban. Taasi waa sababta aysan u cayaarin." Waxay sheegtay in surwaalka dheer uu ahaa dhibka, ee uusan ahayn shaatiga gacma-dheeraha ah.
Naadiga Greater London Women's Football League, oo United Dragons FC ay xubin ka tahay, ayaa u muuqda inay baal-marayaan shruucda Bahda kubadda cagta ee (FA) ee ku amraya inay arrintan ku ad adkaan, balse shuruucda rasmiga ah ee FA ayaa sheegaya in surwaalkan dheer keliya loo oggol yahay inuu xirto gool-hayaha.
FA ayaa kala hadashay in haddii cayaartoyda ay xirtaan dharka caadiga ah sabab la xiriirta diintooda, waa in loo oggolaadaa inay cayaaraan," ayay tiri Iqra. War kale oo kasoo baxay Greater London Women's Football League ayaa xaqiijiyay in cayaartoyda aysan xiran surwaallada dhaadheer.
Iqra ayaa sheegtay in iyadoo tababare ahaan u shaqeyneysa ay isku dayday inay naadiga arrintan kala hadasho, iyadoo soo xiganeysa talada FA ee ah inaan lagu ad adkaan, balse lagama dhegeysan.
Sababo jira awgood waxay go'aansadeen inaysan waxba ka qaban.
Sanadihii lasoo dhaafay, waxaan u ololeynayay Muslimiinta haweenka inay meel ammaan ah ka helaan cayaaraha. Tusaale ahaan, waxaan qabannay kulan ka tirsan fiinaalka koobka FA oo khamri xor ka ah, si haweenka Muslimiinta ay u dareemaan qanacsanaan iyo inaan la takoorin.
Aad ayay u adag tahay in la arko in shaqada adag ee aan billowgii gelinnay ay carqaladeeyaan dhacdooyinka sidan oo kale. Iqra ayaa sheegtay inay rajeyneyso inay arrintan wax ka qabato mar dhow, ayna FA iyo naadiga kala shaqeyneyso in la beddelo shuruucda, iyadoo mustaqbalkana hiigsaneysa in si heer caalami ah wax looga beddelo.
Shruucdaada diimeed iyo waxa aad ku qanacsan tahay waa in aad loo tixgeliyaa. Dadku waxay yiraahdaan marka aad garoonka joogta, waxaad tahay cayaartoy, balse waxaan aaminsanahay inaad awoodi karto inaad la timaaddo dhaqankaaga, haa waa ficil ka dhiidhin oo shakhsiyadeed, balse aniga keliya way iga weyn tahay. Afhayeen u hadlay FA ayaa yiri: Waan ka war heynaa arrintan waxaana la xiriireynaa Middlesex FA si loo hubiyo in deg deg loo xalliyo.
Waxaan si cad ugu qornay dhammaan naadiyada deegaannada iyo saraakiisha cayaaraha ee cayaaraha haweenka horraantii sanadkan si loo xaqiijiyo in haweenka iyo gabdhaha loo oggolaado inay xirtaan dhar hubinaya inaan diintooda lagu xad-gudbin. Waxaa aad nooga go'an hubinta in cayaaraha Ingiriiska ay yihiin kuwo loo siman yahay iyo meel soo dhoweyneysa qof walba. FA ayaa xaqiijisay inay toos ula xiriireen Iqra si ay u caawiyaan ayna ugu xaqiijiyaan inay ka shaqeynayaan xallinta arrinta.
0 Comments