waxa ayna barashadiisa ku jirtay muddo saddax bilood ah Shukri Cismaan Muuse waxa ay ku dhalatay oo ay iskuul ka dhigatay magaalada Muqdisho, tan iyo yaraanteedii ayayna jeclayd Farda fuulista, muddo badan waxaa riyadeeda hortaagnayd caqabado ay ka mid yihiin inaysan jirin goobo lagu barto Fardo fuulista.
Balse isku dayo iyo baadigoob badan oo ay u gashay inay hesho meel ay ka barato ayaa u suurtagaliyay in ay ka dhabayso riyadeeda. Waligeey tan iyo yaraanteydii illaa hadda ayaan jeclaa Faras inaan wado laakiin waxaan is dhihi jiray Muqdisho malaha meel lagu barto, horayna uma arkin Fardana ma arki jirin,” ayay tiri Shugri Muuse.
Sidoo kale waxa ay sheegtay inay isku dayday sidii ay ku heli lahayd muddo badan iyadoo booqaneysay goob kasta oo Faras loogu sheego, inta badanna goobaha ay booqatay Fardaha jooga ayaa ah kuwo loogu talagalay dadka booqashada u yimid in ay sawirro ku galaan.
Qaar kamid ah ehelkeeda iyo asxaabteeda ayaa sidoo kale ka caawinayay sidii ay ku heli lahayd goob lagu barto fardaha, muddo kadibna waxa ay ku guuleysatay inay hesho qoys farda ku dhaqda muqdisho sidoo kalena dadka bara xirfadda fardafuulka.
Maxaa ku dhacay maalintii 1aad ee ay Faras Fuushay?
Kadib baadigoob badan oo ay ugu jirtay inay hesho meel ay ka barato Fardafuulista waa ay ku guuleysatay waxaana la soo gaaray maalin Shukri agteeda ku weyn oo ay u diyaarsan tahay inay Faraskii lagu tababari lahaa dusha ka fuusho.
Macalinkii barayay ayaa u sharraxay qaab fuulista faraska iyo qaab dhaqankiisa waxaana loo sheegay in ay is dajiso oo aysan muujin wax cabsi ah, sidoo kalena waxaa la tusay qaabka loo istaajiyo, qaabka loo fuulo iyo qaabab badbaado oo haddii uu xawaareeyo ama ay halis dareento isku badbaadiso.
Inkasta oo wax kasta loo sheegay waxaa jirtay jacayl fara badan iyo kalsooni nafeed oo ay qabtay waxa ayna ku dhiirratay inay faraska waddo, balse waxaa isla maalinkii koowaad ku dhacday wax aysan filanayn kadib markii uu la xawaareeyay Faraskii.
Maalintii koowaad ee aan fuulay waxa aan aaminsanaa inaan ordisiin karo faraska, sidaas ayaana sameeyay balse waan ka dhacay, nasiib wanaag goobta ayaa ahayd meel bacaad ama carro ah oo dhib ima soo gaarin,” ayay tiri Shukri Cusmaan.
Tababarka ayay ku sheegtay inuu yahay mid aan sahlanayn mar kastana loo baahan yahay in qofka uu la socdo xaaladda iyo xawaaraha Faraska, sidoo kale waxa ay tilmaantay in barashada ay leedahay heerar sida in qofka la barayo sida uu ku fuuli lahaa, kadibna sida uu ku xakameyn lahaa Faraska oo taagan iyo ka dib in socod tartiib ah loo gudbo ugu danbeyna rucle socod iyo orod la baro qofka.
Yaa ka caawiyay barashada Farda fuulista
Inkasta oo Fardafuulista ay u tahay wax ay tan iyo yaraanteedii jeclayd, sidoo kale Shukri waxa ay leedahay xirfad kale oo ah cillaan saar taas oo ay ku shaqeysaneysay muddo badan, lacagta ay shaqeysato ayayna isaga bixisaa barashada Farda fuulista, sidoo kale qoyskeeda ayay ka heshaa dhiirigalin iyo garab istaag.
Magacyada iyo midabaddooda Fardaha iyo nooca ay jeceshahay Shugri Inkasta oo Farduhu ka mid yihiin gaadiidka safarrada dhaadheer iyo tartamada lagu galo, bulsho walba waxa ay leedahay magacyo iyo astaamo ay ku kala saaraan Fardaha. Si la mid ah Fardaha Muqdisho jooga oo ay haatan ku tababarato Shugri Muuse waxa ay leeyihiin midabbo iyo magacyo kala duwan waxaana jira qaar in magacyada loogu bixiyo astaan ama dhaqan laga arkay faraska.
Fardaha aan u badannahay ama aan u jeclahay waxaa lagu magacaabaa Waaweyne, midabkiisana waa Caddaan iyo Madow isku jir ah oo aad u qurxoon, waxaan sidoo kale jeclahay Fardaha madow oo magac ahaan loogu yeero Caynab, ayay tiri Shugri. Sidoo kale waxa ay sheegtay in ay jiraan magacyo kale oo Fardaha loo bixiyo sida Danab, Xamar, Ashkir iyo Bullaale.
Fardaha kooda lab ayaa la dhahaa Sange sidoo kale kuwa dhedig ayaa lagu magacaabaa Geenyo. Shukri Cismaan oo ah gabadha kaliya ee Fardafuul ah oo Muqdisho ku sugan ayaa dumarka kale ee jecel fardafuulista ugu baaqday inay tagaan goobaha lagu barto fuulitaanka fardaha, waxa ayna tilmaamtay in iyada ay haatan mareyso marxalad ay koontarooli karto oo ay ordisiin karto, sidoo kalena ay ragga macalimiinta u ah kula tartameyso fardaha.
Waxa ay xustay in ay qorsheenayso sidii ay ku iibsan lahayd Faras oo ay jeceshahay in gurigeeda uu u joogo oo ay markasta xanaaneyso sidoo kalena ay u qubeyso.
0 Comments